Deeq A. Posted 15 hours ago Markab ay Iiraan leedahay oo ku quusay Sri Lanka Ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa xaqiijiyay in ay soo badbaadiyeen 32 qof kadib markii ay soo waceen markabka ciidamada badda Iran ‘IRIS Dena’ subaxnimadii hore ee saaka. Budhika Sampath, oo ah afhayeenka ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa yiri: “In kasta oo ay ka baxsan tahay biyaheenna, waxay ku jirtay gobolkeenna goobidda iyo samatabbixinta. Markaa waxaa nagu waajib ah inaan uga jawaabno sida ku cad waajibaadka caalamiga ah.” Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan helnay dad dul sabbeynaya biyaha, waanu soo badbaadinnay, ka dib markii aan weydiinnay waxaan ogaannay in dadkaas ay ka yimaadeen markab laga leeyahay Iran.” Waxa uu sidoo kale sheegay in sida ku cad warqadaha markabka 180 qof la rumeysan yahay in ay saarnaayeen, inkastoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee la la’yahay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites