Deeq A. Posted Tuesday at 05:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wada-tashiga ee u dhexeeyay madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo qaar kamid ah xildhibaannada maamulkaasi ku metala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga soo saaray goo’aanno xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka. Warsaxaafadeedka oo ka kooban lix qodob ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah. Ugu horreyn shirka ayaa cambaareeyay is-hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kusii jeeday Garoowe, iyada oo Puntland sheegtay in waqtigeeda la’iskula xisaabtami doono dhacdadaasi. Sida lagu sheegay bayaanka, xildhibaannada iyo senatorrada ka qayb-galay shirka oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 mudane ayaa guud ahaan qaadacay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxayna sheegeen in aysan qayb ka noqon doonin ansixintiisa oo berri Arbaco ah loo ballansan yahay. “Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala dowladda Puntland oo intooda badan ay kasoo qayb-galeen shirka waxay caddeynayaan in aysan qayb ka ahayn, kana mid noqon doonin wax ka beddalka sharci darrada ah ee Dastuurka kumeel gaar ah lagu sameynayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo intaas lasii raaciyay “Dowladda Puntland waxay ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u caddeyneysaa in ay kasoo horjeeedo, aysana aqoonsan doonin bedddalida sharci darrada ah ee lagu sameynayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya”. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay haddii la gaaro 15-ka May in ay ka shaqeyn doonto, iyada oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka qabashada doorasho lagu badbaadinayo waddanka, sida lagu caddeeyay bayaanka maanta soo baxay. Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda taagan, waxayna kusoo aaday iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Screenshot Screenshot Screenshot Screenshot The post Xildhibaannadii ugu badnaa oo qaadacay dastuurka cusub appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites