Deeq A. Posted March 3 Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka, Donald Trumo oo qoraal ku baahiyay bartiisa Truth Social ayaa guul cusub ka sheegtay dagaalka weli kasii soconaya gudaha dalka Iiraan, kaas oo lagu beegsaday mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaas iyo xarumaha hubka ee Tehraan. Trump ayaa shaaca ka qaaday in awooddii milatari iyo hoggaankii Iiraan ay burbureen, isaga carrabka ku dhuftay in difaaca cirka, ciidanka cirka, ciidanka badda iyo hoggaankoodii ay dhammaan meesha ka baxeen. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay doonayso wada-hadal, balse uu uga jawaabay “Waa goor dambe,” taasoo muujinaysa mowqifka adag ee uu ka taagan yahay xiisadda dagaal ee bariga dhexe. Madaxweynaha Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku yiri “Difaacooda hawada, Air Force-kooda, Navy-gooda iyo hoggaankoodii waa dhammaadeen. Waxay rabaan inay hadlaan. Waxaan ku iri, Waa goor dambe!”. Waxaa kale oo uu Trump sheegay in Maraykanku haysto “hub heer sare ah oo aan xad lahayn”, wuxuuna warbixin uu qoray Wall Street Journal ku tilmaamay inay tahay mid khaldan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa isna qoraal kooban oo uu bartiisa X soo dhigay ku sheegay in weli dalka uu ku jiro xaalad gaar ah, haddana aysan istaagin howlaha dowladeed ee u hayaan shacabka. Waxa uu xusay in xiriir toos ah uu lala leeyahay guddoomiyeyaasha gobollada, isla markaana la siiyay awood dheeraad ah si go’aannada loogu qaato si degdeg ah oo waafaqsan duruufaha maxalliga ah. Masoud Pezeshkian ayaa sidoo kale adkeeyay in midnimada qaran ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu wajahayo xaaladda jirta, gaar ahaan weerarka culus ee lagu soo qaaday, laguna dilay hoggaamiyihii sare ee waddankaasi. The post Trump oo sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalka Iiraan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites