Deeq A. Posted Tuesday at 07:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, kadib uu booqasho uu ugu yimid. Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in saddex qodob uu kala hadlay safiirka Turkiga, kuwaas oo kala ah arrimaha siyaasadda, amniga iyo kobcinta maalgashiga dalka. “Waxaan kulan mirodhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabbilsan dalkeenna, Danjire Alper Aktaş, oo igu soo booqday hoyga aan ka deggenahay Muqdisho. Daljiraha waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadda, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga dalka” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, wuxuu intaasi sii raaciyay “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu naga dhexeeyo xiriir soojireen ah ayaan ku bogaadiyey taageerada ay mar walba u muujiyaan dalkeenna”. Danjire Alper Aktaş ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq ka waday gudaha caasimada, wuxuuna dhowaan kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada Soomaaliya. Waxaa kale oo kualnkaas diiradda lagu saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah oo ay diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka. Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska. Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba. The post Farmaajo oo saddex arrin kala hadlay Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites