Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo ka digay qorshe lagu wiiqayo xiriirka DF kala dhaxeeya kadib afduubkii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia-China.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii shaacisay in si nabad ah lagu soo furtay markab kalluumeysi oo ay kooxo hubeysan ku afduubteen xeebaha Soomaaliya maalintii Isniinta, iyadoo ka digtay in isku day kasta oo lagu carqaladeynayo xiriirka labada dal uu fashilmi doono.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa falkan afduubka ah lagu cambaareeyay, laguna tilmaamay “fal arxan darro ah oo qaawan” kaas oo halis geliyay badqabka shaqaalihii saarnaa markabka iyo guud ahaan isku-socodka maraakiibta caalamiga ah.

Xukuumadda Beijing ayaa caddeysay inay sii wadi doonto qaadista tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay si adag ugu difaacdo xuquuqda sharciga ah iyo danaha muwaadiniinteeda iyo shirkadaheeda ka hawlgala dibadda. Waxay sidoo kale tilmaantay inay la kaashanayso dhinacyada ay khusayso si loo sugo amniga badaha.

“Isku day kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu carqaladeeyo iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya waa mid fashil ku dambayn doona,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda, iyadoo tixraacaysa saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo tan qotada dheer ee ka dhexaysa labada waddan.

Safaaradda ayaa xustay in dowladda Shiinuhu ay wada-shaqeyn dhow la yeelatay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland intii lagu guda jiray dhacdadan, taas oo ka dhacday biyaha u dhow xeebaha maamulkaas.

Sida laga soo xigtay hawlgalka diblomaasiyadeed ee Shiinaha, xukuumadda Muqdisho ayaa dib u xaqiijisay in maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinuhu ay uga hawlgalaan biyaha Soomaaliya oggolaansho rasmi ah, ayna si buuxda u dhawraan shuruucda maxalliga ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay si dhab ah u tixgelinayso walaaca dhinaca amniga ah ee Shiinaha, ayna diyaar u tahay inay ka wada shaqeeyaan meelaha labada dhinacba faa’iidada u ah, oo ay waaxda kalluumeysigu ugu horreyso.

Ugu dambayn, dowladda Shiinaha ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay xukuumadda Muqdisho ee dhinacyada kala duwan, si loo sii xoojiyo isbahaysiga istaraatiijiyadeed iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada qaran

The post Shiinaha oo ka digay qorshe lagu wiiqayo xiriirka DF kala dhaxeeya kadib afduubkii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this