Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo Muqdisho ku xiray la-taliyaha Saciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
645589422_943377421530495_88291940731162

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay xabsiga dhigeen la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka arrimaha bulshada. Booliska ayaa ku dooday in sarkaalkan uu ku guda jiray “falal liddi ku ah amniga,” isla markaana uu haatan kiiskiisu ku socdo baaritaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris,” ayaa lagu yiri qoraal uu taliska booliska soo dhigay barta facebook oo uu la socday sawirka Hurre.

Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa si adag u beenisay sheegashada booliska, iyadoo ku eedeysay hay’adaha amniga ee dowladda federaalka inay weerar gaadmo ah oo aan marmarsiiyo lahayn ku qaadeen hoteelka Airport ee magaalada Muqdisho, abaaro 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee Arbacada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay gacan-qaad iyo jirdil u geysteen xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo deganaa hoteelkaas, kadibna ay si xoog ah ku kaxeysteen Mudane Hurre.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub,” ayuu maamulka Puntland ku yiri bayaan uu soo saaray,

Puntland ayaa ka digtay in xariggan xasaasiga ah ee dhacay saqdii dhexe uu halis ku yahay inuu kasii daro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhexaysay dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo maamul-goboleedkaas.

 Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa loogu hanjabay dowladda dhexe, iyadoo lagu yiri ““Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.”

The post Booliska oo Muqdisho ku xiray la-taliyaha Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this