Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza oo is-casilay + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Caynaanshe-Yuusuf-Xuseen.webp?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Caynaanshe Yuusuf Xuseen oayaa xalay ku dhowaaqay inuu iska casilay xilka wasiiru-dowlaha ee uu ku hayay xukuumadda Dan Qaran, sababa la xiriira xiisadda taagan.

Xildhibaan Caynaanshe oo laga soo doorto Puntland ayaa xalay goor dambe ku shaaciyay go’aankan, isaga oo sababta ku sheegay khilaafaka xooggan ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inuu la dareen yahay madaxda iyo shacabka Puntland, uuna kasoo horjeedo, sida haatan wax loo wado, maadaama lagu kala aragti duwanaaday wax ka beddalka dastuurka dalka.

Sidoo kale, Caynaanshe ayaa u mahad-celiyay madaxwenaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ku aaminay xilka uu haatan iska casilay, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Kursiga aan ku fadhiyo waxa aan ku metalaa Shacabka iyo Puntland sidaas awgeed waxa ay raalli ka yihiin ayaan raali ka ahay, waxa aan halkaan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, aniga oo u mahadcelinayo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilkaan igu aaminay” ayuu yiri Caynaanshe Yuusuf Xuseen.

Is-casilaadda wasiirkan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, uuna kasii darayo khilaafka u dhexeeyay Villa Somalia iyo Puntland, kaas oo sii xoogeystay markii Muqdisho lagu xayiray xildhibaannada kasoo jeedo maamulkaasi.

Waxaa kale oo xalay dhacday in magaalada Muqdisho lagu xiro Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah  la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyada oo lagu eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.

The post Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza oo is-casilay + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this