Deeq A. Posted yesterday at 01:02 PM Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in amar ka yimid Muqdisho lagu celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo oo ka degi lahayd garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Wuxuu sheegay in diyaaradu qaadi lahayd dad shacab ah oo u socday Cumrada, kuwaas oo uu xusay in qaarkood meelo fog fog ka yimaadeen, islamarkaana dhowr maalmood joogeen magaalada Garowe. Wasiir Caydiid waxa uu tilmaamay in aysan ogayn sababta loo celiyay diyaarada oo Muqdisho ka soo qaaday xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka oo u socday Garowe. Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin sababta loo celiyay diyaarada u socotay Garowe ee qaadi lahayd dadka u socday Cumrada. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites