Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay xildhibaanada lagu celiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii dowladda Federaalka ku celisay diyaarad siday xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo dad rayid ah oo u socday magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni oo caawa hadal jeediyay ayaa tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub dastuuri ah ah mid bini’aadanimo oo lagu kacay muwaadiniin Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniin reer Puntland.

Wuxuu sheegay in arrintan ay dhaawacayso dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana haddii ay sii socota keeni karta in la aamini waayo nidaamka duulimaadyada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay  dacwad arrintan la xiriirta u gudbin doonaan hay’adaha duulimaadyada iyo maxkamadaha ay quseyso ku xadgudubka nafta bini’aadamka.

Madaxweyne Deni ayaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay deegaanadooda ku iman lahaayeen xildhibaanada ku xayiran garoonka diyaaradaha Muqdisho.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this