Sign in to follow this  
Deeq A.

Geerida Hoggaamiyihii Iiraan oo si rasmi ah loo xaqiijiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

TV-ga Dawladda Iiraan ayaa si rasmi u xaqiijiyay in hoggaamihii Ruuxiga ahaa ee dalkaas Aayatullaahi Cali Khamani uu ku dhintay weerar duqeymo ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay caasimadda Tehran ka fuliyeen.

Maamulka Israa’iil iyo Mareykanka ayaa warar arrintan la xariira horay u sheegay, balse ugu dambeyn Iiraan ayaa si rasmi ah u shaacisay geerida hoggaamiyahan muddada dheer xukumay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Dilka Khomeini ayaa ah warkii ugu weynaa ee haatan dunidu hadal hayso, waxaana sidoo kale lala diley saraakiil iyo wasiirro ku jirey xukuumadda Iiraan, lama’se oga in dhimashadiisu ay soo afjarayso khilaafka Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa’iil.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this