Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Ruqsadda Kala noqotay diyaaradda Daallo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Duulista Hawada Sare ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday shirkadda diyaaradaha Daallo Airlines ruqsaddeeda duulista gudaha deeganada maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay maamulka wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaradda shirkadda Daallo ay laba jeer “khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland,” isla markaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.

Diyaaradda la xiray waxaa saarnaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kusii jeeday magaalada Garowe, taasoo xaaladda ka dhigtay mid si weyn looga hadlay.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka rakaabka iyo shaqaalaha duulista, iyadoo lagu adkaynayo in dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Puntland ay raacaan shuruucda iyo xeerarka hawada sare.

Saameynta tallaabadan waxay u muuqataa mid ku yeelan karta jadwalka duulimaadyada iyo safarka muwaadiniinta, iyadoo weli aan la helin jawaab rasmi ah oo ka timid shirkadda Daallo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this