Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Magaalada Dubai ayaa shaaciyey Khasaaraha ka dhashay Gantaalka ay Iiraan ku riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Magaalada Dubai ayaa shaaciyey Khasaaraha ka dhashay Gantaalka ay Iiraan sheegatay

Afar qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii qarax uu ka dhacay huteelka Palm Jumeirah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dubai.

Dowladda Immraadka ayaa sheegtay in goobta loo diray “Kooxaha gurmadka degdegga dabkii ka dhashay dhacdadana hadda waa la xakameeyay,”. Xafiiska ayaa intaa ku daray in afar qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka.

Warku wuxuu yimid ka dib markii ay soo baxeen muuqaallo ay soo duubeen goobjoogayaal iyo sawirro muujinaya qiiq ka jira aagga, ka dibna warbaahinta dowladda Iiraan ay ku dhawaaqday in gantaalo ku dhifteyn Dubai.

Si sax ah looma caddayn waxa Iiraan ay bartilmaameedsanayso, laakiin Iiraan ayaa hore u sheegtay inay weerari doonto goobaha Mareykanka ee gobolka Bariga Dhexe

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this