Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasnaddaha qarsoon ee JSL oo bedelaya miisaanka siyaasadda Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Pan-Horn Vision ayaa soo bandhigtay warbixin documentary ah oo iftiiminaysa muhiimadda juquraafiyeed iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta lithium-ka oo la rumaysan yahay inay noqon karto furaha mustaqbalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in baahida sii kordhaysa ee baabuurta korontada ku shaqeeya, warshadaha iyo tamarta la cusboonaysiin karo ay macdantan ka dhigtay mid istiraatiiji ah oo ay ku tartamayaan quwadaha waaweyn ee caalamka, Isla markaana Somaliland oo si madax-bannaan u shaqaynaysay tan iyo 1991, ay si lama filaan ah u soo jiidatay indhaha beesha caalamka.

Warbixinta Pan-Horn Vision waxay xustay in macdantan qaaliga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay oo dunida dhif iyo naadir ku ah ay sababtay in quwadaha waaweyn ee caalamku ay isha ku hayaan qasnadahaasi qarsoon ee Somaliland. Sidoo kale waxay tilmaantay in khayraadka macdanta Lithium-ka ee Somaliland uu u noqon karo mishiinka beddelaya masiirka qarankan, isaga oo isku xidhaya loolanka quwadaha waaweyn, muhiimadda marin-biyoodka Berbera, iyo raadinta aqoonsi caalamiga ah oo ay horseed u tahay baahida loo qabo tamarta cagaaran.

Warbixintan oo Wargeyska Dawan soo turjumay ayaa lagu yidhi “Annaga oo adeegsanayna muuqaallo soo jiidasho leh iyo hab-raac baadhiseed oo qoto dheer, waxaannu u kuur-galaynaa saamaynta kaydka lithium-ka ee aan weli la taaban ee Somaliland, iyo suurtogalnimada in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku hanan karto aqoonsi caalami ah. Waxaa isa soo taraya aragti muujinaysa in raadinta macdantan qaaliga ahi ay dib u qaabayn karto isbahaysiyada iyo danaha quwadaha waaweyn ee caalamka.”

Warbixintu waxay intaasi raacisay “Buuraha dhaadheer ee Golis, madaxyadooda cirka taabanaya iyo dooxooyinkooda fog, waxay si aan dhammaad lahayn ugu fidsan yihiin jihada fog. Dhulkan qallafsan ee neecaawdu ka dhacdo waxa qaabeeyey kumannaan sano oo dabaylo iyo waqti is biirsaday. Qarniyo badan, reer miyigu waxay dhex mushaaxayeen bannaanadan ballaadhan, iyaga oo la jaanqaadaya wareegga xilliyada iyo baahiyaha xoolahooda. Waxay la qabsadeen muuqaal dhuleed u baahan adkaysi, dulqaad iyo hal-abuurnimo. Dhaqankoodu wuu adkaystay, isaga oo aan si weyn ugu milmin qalalaasaha dunida casriga ah.

Hase yeeshee, hoosta oogada dhulkan, sheeko cusub ayaa ka unkamaysa. sheeko ku saabsan hanti qarsoon iyo awood wax beddeli karta. Dhulkan waxa laga yaabaa in aanu kaydin oo keliya xusuus iyo hidde soo jireen ah; balse waxa ku duugan kheyraad beddeli kara jihada mustaqbalka.”

“Magaalada dekedda leh ee Berbera ayaa muddo dheer ahayd halbowlaha ganacsiga Somaliland. Waxay ku taallaa meel aad u istiraatiiji ah oo ku dhow marinka Bab al-Mandab, oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka. Dekedda Berbera waxay isku xidhaa Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka, taasoo ka dhigaysa meel muhiim u ah dhoofinta khayraadka dabiiciga ah, haddii lithium la xaqiijiyo,” ayaa lagu yidhi warbixintan.

Warbixintu waxay xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tan iyo 1991-kii, ay ahayd dawlad madax-bannaan oo dimuquraado ah, isla markaana ay dhistay nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin joogto ah, iyo hanaan dadawladnimo oo ku shaqeeya nidaam casri ah, Waxaana lagu yidhi “Tan iyo 1991-kii, Somaliland waxay dhistay nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya, Waxay qabataa doorashooyin, waxay ilaalisaa nabadda, waxayna maamushaa arrimaheeda gudaha

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in khayraadka macdanta Lithium-ku ay tahay laf-dhabarta kacaanka tamarta cagaaran ee adduunka. Isla markaana wadamada gacanta ku haya kaydka khayraadka lithium-ka ay heli doonaan awood dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah.

Warbixintu waxay si cad u muujinaysaa xiisaha sii kordhaya ee quwadaha waaweyn ee caalamku ay Somaliland siinayso miisaan siyaasadeed oo cusub. Xilli ay dawladda Mareykanku raadinayso ilo cusub oo lithium ah si uu u yareeyo ku-tiirsanaanta Shiinaha, si uu u horumariyo hoggaankiisa warshadaha baytariyada iyo silsiladda sahayda tamarta cagaaran. Iyada oo dhanka kalena Imaaraatka Carabtu (UAE) sii xoojinayo maalgashigiisa Berbera, isaga oo u arka fursad uu ku ballaadhin karo saameyntiisa dhaqaale iyo istiraatiijiyeed ee gobolka.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in xogta la xidhiidha suurtogalnimada kaydka lithium-ka ee Somaliland ay si weyn u soo jiidatay indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya tamarta la cusboonaysiin karo. Arrintan oo ay warbixintu tilmaantay in ay keeni karto in quwadaha waaweyn ee adduunku ay wajahaan go’aan istiraatiiji ah oo xasaasi ah kuwaasi oo horseedi kara in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, halka Somaliland-na ay heli karto miisaan siyaasadeed oo cusub oo ka dhex muuqda masraxa caalamka.

Qore Axmed. M. Saleebaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this