Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhex dhexaadin dhex martay xisbiga Kaah iyo gudiga doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1772371890774.jpg

FB_IMG_1772371891769.jpg

FB_IMG_1772371899157.jpg

FB_IMG_1772371905212.jpg

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐จ๐๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐š๐ฅ๐š-๐š๐ซ๐š๐ ๐ญ๐ข ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฎ ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Š๐ƒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ ๐š ๐Š๐€๐€๐‡

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta iskugu yeedhay kulan dhexdhexaadin ah oo u dhexeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga KAAH, si xal looga gaadho murankii ka dhashay goโ€™aankii uu soo saaray KDQ JSL ee la xidhiidhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, gaar ahaan dookhii (option) tirada goobaha diiwaangelinta, kaasi oo sababay in Xisbiga KAAH uu hakiyo wadashaqayntii uu la lahaa KDQ.

Wada hadal iyo dhexdhexaadin dheer oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL kaddib, labada dhinac waxa ay si rasmi ah u soo af-jareen kala-aragti duwanaanshihii u dhexeeyey, waxana ay si wadajir ah ugu mahadnaqeen Madaxweynaha JSL doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay isu soo dhaweynta Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga KAAH.

Haddaba, si loo sii amba-qaado hawlaha baaxadda leh ee horyaalla KDQ iyo Axsaabta Siyaasadda, labada dhinac waxa ay isla qaateen qodobbadan soo socda:

๐Ÿ. In si rasmi ah dib loogu soo celiyo wadashaqayntii u dhexeysay KDQ iyo Xisbiga KAAH.

๐Ÿ. In arrimaha farsamo ee salka u ahaa is-mari-waaga labada dhinac ay si firfircoon uga wada shaqeeyaan guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac.

๐Ÿ‘. Si loo sii ambaqaado dhamaystirka arrimaha weli qabyada ah; in labada dhinac ay isugu yimaaddaan kulan kale, marka laga soo gudbo Ciidul-Fitriga,

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay leedahay dhaqan togan oo soo jireen ah oo ku dhisan in murannada Siyaasiga ah lagu xalliyo wada-hadal, isu tanaasul iyo in aan xalka laga raadin dibedda, balse xalku uu ka dhex abuurmo gudaha dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this