Deeq A. Posted 15 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Deni oo deganaa xeyndaabka xerada Xalane ayaa caasimada u yimid wada-hadalladii Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee fashilmay, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada wada-hadalka oo ku aadanaa xal ka gaarista hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa olole xooggan iyo dhaq-dhaqaaq ka sameeyay Muqdisho, isaga oo la kulmay madax ka tirsan dowladda, xubnaha mucaaradka iyo qaybaha bulshada oo uu kala hadlay xaaladda dalka. Kahor inta aanu ka bixin Saciid Deni Muqdisho wuxuu quus ka muujiyay wada-hadal dambe oo lala galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in si walba oo loola hadlay uu ka biyo diiday xalka, uuna iska sii wato shaqadiisa. “Madaxweyne Xasan Sheekh horta wuxuu fadhiyaa gurigii ummadda kursigii dowladda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee askarta ahayd baana waardiyeyneyso laakiin haddaad run u sheegtid iyo haddaa wax kale u sheegtid-ba waana iska faraxsan yahaywaana iska qoyslayaa” ayuu Jimcihii yiri madaxweyne Deni. Waxaa kale oo uu ku daray “Aniga waan garan waayay si loola hadlo, waxaase qabaa hadal dambe yaan loogu tegin way soo dhammaatay in loo caqli celiyo”. Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga dhaq-dhaqaaqay madaxweynaha Jubbaland Axme Madoobe oo isna ka qayb ka ahaa wada-hadalladii fashilmay, waxayna arrintan sii murjineysaa xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya. Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka. The post Saciid Deni oo ka dhoofay Muqdisho kadib fashilkii… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites