Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax sare oo ka tirsan Iran oo loo badinayo inay dagaalka ku dhinteen + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Iran-scaled.webp?fit=2560%2C1945&ssl=1

Tehran (Caasimada Online) – Macluumaadka isa soo taraya ee laga helayo weerarka culus ee maanta lagu qaaday Iiraan ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha gaaray Tehran, waxaana la soo warinayaa in la la’yahay madax sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loo badinayo in ay dhinteen.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goordhow tebisay in la la’yahay Wasiirkii Difaaca Iiraan, Amir Nasirzadeh, iyo Taliyihii Ilaalada Kacaanka, Mohammad Pakpour, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dagaalka.

Dhanka kale, Iiraan ilaa iyo hadda ma sheegin war rasmi ah oo ku saabsan labada mas’uul ee ka midka ah madaxda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbaas Araghchi, oo goordhow la hadlay NBC News, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in ay nool yihiin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian.

“Ayatollah Cali Khamenei iyo madaxweyne Masoud Pezeshkian way nool yihiin, inta aan ogahay. Dhammaan mas’uuliyiinta sare way nool yihiin, wax walbana waa hagaagsan yihiin,” ayuu yiri wasiirku.

Warar aan weli madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la beegsaday Cali Shamkhani, oo ah la-taliye sare oo dhanka amniga u qaabilsan Khamenei, waxaana ilo wareedyo ku dhow nidaamka Tehran ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo mas’uuliyiin siyaasadeed.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee Tasnim ayaa dhankeeda xaqiijisay in la duqeeyay goobo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha uu deggan yahay Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyuhu uusan ku sugnayn Tehran xilligii weerarku dhacayay, isla markaana horay loogu daadgureeyay goob ammaan ah.

Goor sii horreysay, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha ay ka fuliyeen Tehran ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo dhanka siyaasadda iyo amniga ah, isla markaana uu jiro khasaare ba’an oo gaaray Iiraan.

Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa hadda qiimeynaya natiijada weerarka, maadaama uu qaatay saacado badan lana beegsaday xarumo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, xogta dhabta ah waxa la ogaan karaa marka dagaalku dhammaado ama dhinacyadu qirtaan, waxaana weli sii soconaya duqeymaha labada dhinac, iyadoo dagaalkuna uu ku sii fidayo dalalka gobolka.

The post Madax sare oo ka tirsan Iran oo loo badinayo inay dagaalka ku dhinteen + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this