Deeq A. Posted 16 hours ago Dubai (Caasimada Online) — Iiraan ayaa Sabtida gantaallo culus oo aargudasho ah ku garaacday dhowr magaalo oo ku yaalla waddamada Khaliijka Carabta, weerarkaas oo dhaliyay jugta qaraxyo is-xigay oo ruxay daaqadaha dhismooyinka, isla markaana dadka deegaanka ku qasbay inay gabaad raadsadaan. Duqeymahan ayaa lala beegsaday dalalka Kuweyt, Qadar, Baxreyn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dhammaantood martigeliya saldhigyo ay leeyihiin ciidamada milateriga Mareykanka, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Tehran. Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay aargoosi ka dhan ah duqeymo wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay dhowaan ka fuliyeen gudaha ciidda Iiraan. Dhanka kale, dalka Urdun ayaa sheegay inuu hawadiisa ku bur-buriyay gantaallo kusoo wajahnaa. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay duqeymihii ugu cuslaa, taas oo falanqeeyayaashu ay la xiriiriyeen xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed ee Abu Dhabi ay la leedahay xukuumadda Israa’iil. Magaalada Dubai, oo ah xudunta ganacsiga iyo dalxiiska ee gobolka, ayaa laga maqlay qarax weyn oo ku dhuftay jasiiradda macmalka ah ee caanka ah ee Palm Jumeirah, arrintaas oo naxdin ku beertay dadka deegaanka. Goobjoogayaal la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inay maqleen jug culus, isla markaana ay arkeen qiiq isku shareeray aaggaas astaan-qarameedka ah. Xafiiska Warbaahinta ee Dubai ayaa goor dambe xaqiijiyay in “shil” uu ka dhacay dhisme ku yaalla Palm Jumeirah. Bayaan kasoo baxay xafiiska ayaa lagu yiri in kooxaha gurmadka degdegga ah markiiba goobta la geeyay, aaggana la xaqiijiyay amnigiisa. Waaxda Difaaca Madaniga ah ee Dubai ayaa xaqiijisay in dabkii ka dhashay weerarka haatan la xakameeyay, iyadoo intaas ku dartay in afar qof ay ku dhaawacmeen oo isbitaal loo qaaday. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay sii wadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu sugayo badqabka shacabka. Weerarka Palm Jumeirah waxaa xigay shan qarax oo waaweyn oo galabnimadii dambe ay maqleen dadka deegaanka iyo weriyeyaasha AFP ee ku sugan daafaha magaalada Dubai. Sidoo kale, caasimadda Abu Dhabi, goobjooge ayaa sheegay inuu maqlay shan jug oo xiriir ah oo ruxay daaqadaha dhismooyinka ku dhow xeebta Corniche, halka kuwo kalena ay qaraxyo waaweyn ka maqleen aagagga Al Dhafra iyo Bateen. Diyaaradaha dagaalka ayaa markii dambe la arkayay iyagoo roondo ka wada hawada sare ee Jasiiradda Yas. Xukuumadda Tehran ayaa si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weeraradan baaxadda leh. Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa lagu yiri in dhammaan dhulalka la haysto iyo saldhigyada dambiilayaasha ee Mareykanka ee gobolka lagu garaacay dharbaaxooyin xooggan oo ka yimid gantaallada Iiraan. Kooxda ayaa ku hanjabtay in hawlgalkan uu si is-daba joog ah u socon doono ilaa cadowga si buuxda looga adkaado. Inkastoo nolosha caadiga ah ay ka sii socotay qaybo ka mid ah Imaaraadka, haddana weeraradan aan horay loo arag ayaa sababay walaac degdeg ah. Barnaamijyada cunnada lagu dalbado (Delivery apps) ayaa muujiyay dib-u-dhac weyn iyadoo ay u muuqatay in dadku ay bilaabeen inay raashin badan mar qura iibsadaan. Shaqaale ka tirsan dukaan ku yaalla fagaaraha Nshama Town Square ee Dubai, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa sheegay in xaaladdu aysan caadi ahayn, biyuhuna ay gabaabsi yihiin, iyadoo alaab-qeybiyeyaasha qaarna ay sheegeen inaysan keenaynin badeecooyin hor leh. Dowladda Imaaraadka ayaa si degdeg ah soo dhex-gashay, iyadoo shacabka ugu baaqday in aysan argagaxin oo aysan suuqyada isku buuxin. Mas’uuliyiinta ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka in agabka cunnada iyo badeecooyinka aasaasiga ah ay aad u badan yihiin, soo dejintuna ay si caadi ah u socoto, kaydka istaraatiijiga ahna uu yahay mid xooggan oo ku filan waqti dheer. Xiisaddan goboleed ayaa sidoo kale dhalisay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Kadib weerarada, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Riyaad ayaa muujisay in ay garab taagan tahay Abu Dhabi, iyadoo labada hoggaamiye ay ka digeen in xiisadda gobolka ay sii korodho, waxayna ku baaqeen in lagu soo laabto waddada diblomaasiyadda. Wadahadalkan ayaa calaamad u ahaa xiriir toos ah oo dhif iyo naadir ah oo dhexmaray labadan quwadood ee Khaliijka, kuwaas oo cilaaqaadkoodu uu ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore. The post Daawo: Iiraan oo si xooggan u weerartay Imaaraadka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites