Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Iiraan oo ku dhowaaqday in la dilay Ayatollah Ali Khamenei

Recommended Posts

Deeq A.   
Khamenei-.webp?fit=2200%2C1445&ssl=1

Tehran (Caasimada Online) — Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa waaberigii hore ee saaka oo Axad ah si rasmi ah u xaqiijisay geerida Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalkaas, Aayatulaahi Cali Khamenei, kadib weerar baaxad weyn oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa’iil.

Geerida Khamenei ayaa shaki weyn gelineysa mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxayna gobolka u horseedaysaa halis cusub oo xasillooni-darro ah.

Saacado ka hor xaqiijinta Tehran, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay khaarajinta hoggaamiyaha, isagoo tallaabadan ku tilmaamay “fursaddii ugu weyneyd” ee ay shacabka Iiraan dib ugu soo ceshan karaan dalkooda.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku yiri, “Khamenei, oo ka mid ahaa dadkii ugu sharta badnaa taariikhda, waa dhintay.”

Wuxuu sidoo kale bixiyay digniin culus oo ku aaddan in duqeymo joogto ah oo bartilmaameed sax ah leh ay sii socon doonaan inta lagu jiro toddobaadkan iyo wixii ka dambeeyaba, ololehan oo uu Mareykanku ugu qiil-dayay inuu lagama maarmaan u yahay curyaaminta awoodda nukliyeerka ee Tehran.

Telefishinka dowladda Iiraan iyo wakaaladda wararka ee IRNA ayaan si madax-bannaan u faahfaahin sababta dhimashada wadaadkan 86-jirka ahaa, balse waxay xuseen inuu ku sugnaa xaruntiisa weyn ee bartamaha caasimadda Tehran markii uu duulaanku bilaabanayay.

Sawirro dayax-gacmeed oo ay baahisay shirkadda Airbus ayaa muujinaya burbur ba’an oo gaaray dhismahaas.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in geerida Khamenei ee xafiiskiisa ay muujineyso inuu mar walba garab taagnaa shacabkiisa, uuna safka hore kaga jiray waajibaadka la-dagaalanka wax ay ugu yeereen “is-kibrinta caalamiga ah.”

Firaaq hoggaamineed  

Weerarkan ayaa daaha ka rogaya weji cusub oo layaab leh oo ku saabsan faragelinta tooska ah ee Mareykanka ee Iiraan, wuxuuna xambaarsan yahay khatar aargoosi iyo inuu qarxo dagaal baahsan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa muruq-tuur militari oo aan horay loo arag oo ka yimid madaxweyne ku ololeeyay hal-ku-dhegga “Mareykanka ayaa mudnaanta koowaad leh” isla markaana wacad ku maray inuu dalkiisa ka saarayo dagaallada aan dhammaadka lahayn.

Khaarajinta Khamenei, oo ah weerarkii labaad ee maamulka Trump uu ku qaado Iiraan muddo siddeed bilood gudahood ah, ayaa si lama huraan ah u abuuri doonta firaaq hoggaamineed oo qoto dheer.

Tani waxay salka ku haysaa iyadoo uusan jirin beddel si cad loo yaqaan oo xilka la wareegaya, iyo iyadoo hoggaamiyaha dhintay uu ahaa shakhsiga iska leh awoodda go’aaminta kama dambeysta ah ee dhammaan siyaasadaha masiiriga ah muddo tobanaan sano ah, isagoo maamulayay hay’adaha wadaaddada iyo Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee udub-dhexaadka u ah nidaamka dalkaas.

Iyadoo wararka geeridu ay si tartiib tartiib ah u soo baxayaan, goobjoogayaal ku sugan Tehran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in qaar ka mid ah shacabka ay waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo muujinaya farxad, halka kuwa Kalena ay murugo dareemayaan.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa wacad ku maray jawaab adag. Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan, Cali Larijani, ayaa Sabtidii sheegay in Israa’iil iyo Mareykanku ay ka shallayn doonaan falkooda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu Larijani ku yiri, “Askarteenna geesiyaasha ah iyo ummadda weyn ee Iiraan waxay cashar lama-ilaawaan ah u dhigi doonaan daalimiinta caalamiga ah ee cadaabta mudan.”

Kumuu ahaa Khamenei?

Cali Khamenei oo 86-jir ah, ayaa awoodda ugu sarreysa ee dalkaas la wareegay sanadkii 1989-kii kadib geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Aayatulaahi Ruuxulaahi Khumeyni.

Wuxuu ahaa awoodda kaliya ee go’aamisa jiheynta hay’adaha siyaasadeed, milateri, iyo kuwa diimeed ee dalka, isagoo si buuxda u qaabeeya siyaasadda arrimaha gudaha iyo xiriirka arrimaha dibadda.

Wuxuu sii waday nidaamkii adkaa ee ka horreeyay, isagoo meesha ka saaray madaxweyneyaal la doortay oo isku dayay inay dalka u horseedan is-furfurnaan, wuxuuna si gacan-bidaar leh u cabburiyay dibadbaxyo is-daba-joog ah iyo dhaqdhaqaaqyadii wax-ka-beddel-doonka ahaa ee diidanaa isku-dhaca reer Galbeedka.

Xiisadda labada dal ayaa gaartay heerkii ugu halista badnaa bishii Juun ee sanadkii 2025, markaas oo uu dhexmaray dagaal xagga cirka ah oo qaatay 12 maalmood. Dagaalkaas, Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku hanjabay in la khaarajin doono Khamenei, isagoo xusay in hoggaamiyaha “uusan sii jiri karin.”

Dagaalkaas 2025-kii dhacay, Israa’iil waxay weeraro lama filaan ah ku bur-burisay xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee dhulka hoostiisa ah, halkaas oo lagu dilay saynisyahano iyo saraakiil sarsare oo milateri. Geerida Khamenei, haddii ay dhab noqoto, waxay dharbaaxo weyn ku tahay dal markii horeba la daalaa-dhacayay culeysyo dhaqaale iyo saameynta dagaallada.

Intii uu xilka hayay, Iiraan waxay isku beddeshay awood goboleed si weyn uga soo horjeedda Mareykanka, iyadoo saameynteeda ku fidisay Bariga Dhexe oo dhan.

Wuxuu taageeray heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lala galay quwadaha caalamka xilligii Madaxweyne Xasan Ruuxaani, kaas oo muddo kooban khafiifiyay go’doonkii Iiraan. Balse xiisadda ayaa mar kale cirka isku shareertay markii Madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiskaas sanadkii 2018-kii, dibna u soo rogay cunaqabateyno adag.

Laga soo bilaabo weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, xulafada Iiraan ee gobolka ayaa wajabayay dhabar-jab is-xigxiga. Xamaas iyo Xisbullah ayaa la kulmay duqeymo ba’an oo wiiqay awooddooda, halka Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, oo Tehran ay muddo dheer garab taagnayd, xukunka laga riday bishii Diseembar ee sanadkii 2024.

Xilka Hoggaamiyaha Sare oo la abuuray wixii ka dambeeyay kacaankii 1979-kii ayaa dastuuri ahaan awood sharciyeed oo buuxda siinaya wadaadka ugu sarreeya, isagoo ka awood badan madaxweynaha iyo baarlamaankaba.

Sida uu qabo nidaamka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 wadaad oo ay soo xuleen guddiyo adag oo daacad u ah Khamenei ayaa leh awoodda rasmiga ah ee lagu doorto hoggaamiyaha beddelaya marka uu bannaanaado xilka ugu sarreeya dalka.

The post DEG DEG: Iiraan oo ku dhowaaqday in la dilay Ayatollah Ali Khamenei appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this