Sign in to follow this  
Deeq A.

Geelle oo weerar ku qaaday Somaliland iyo Imaaraadka, kana diiday Cirro in uu qaabilo

Recommended Posts

Deeq A.   
Ismaaciil-Cumar-Geelle.jpg?fit=2048%2C13

Jabuuti (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii ay dowladda Israa’iil dhowaan ugu aqoonsatay Somaliland qaran madax-bannaan, isagoo ka digay in tallaabadani ay wiiqayso xasiloonida Geeska Afrika, isla markaana ay sii hurinayso loolanka awoodeed ee gobolka.

Wareysi xasaasi ah oo uu siiyay joornaalka Jeune Afrique cadkiisa bisha Maarso, ayuu Geelle ku muujiyay sida uu uga naxay go’aankii ay dhamaadkii bishii Diseembar xukuumadda Tel Aviv ku aqoonsatay maamulka gooni-isu-taagga ah. Madaxweyne Geelle ayaa ku eedeeyay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inay marinka xasaasiga ah ee Badda Cas ka leedahay ujeeddooyin aan marnaba kuwa nabadeed ahayn.

Hoggaamiyaha Jabuuti ayaa sidoo kale dhaliil culus dusha uga tuuray dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo dalkaas Khaliijka ku tilmaamay “marinka” iyo “hormuudka” ugu weyn ee Israa’iil ay ku timaado gobolka.

Wuxuu xusay in Imaaraadku uu gacan weyn ka geystay in la gaaro heshiiskan diblomaasiyadeed, isagoo ku andacooday in Abu Dhabi ay ahayd ciddii bilowday qorshaha aqoonsiga Somaliland, kadibna ay Israa’iil si degdeg ah uga faa’iideysatay fursaddaas.

Geelle ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ka wado isbeddello istaraatiijiyadeed oo sii qoto-dheereynaya khilaafaadka jira, isagoo intaas ku daray in Abu Dhabi ay faragelin qalalaase xambaarsan ku hayso dalalka Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, iyo Liibiya.

Heshiiska aqoonsiga Somaliland ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay Netanyahu, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Gideon Saar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Netanyahu ayaa xilligaas sheegay in Israa’iil ay iskaashi degdeg ah la yeelan doonto Somaliland dhinacyada beeraha, caafimaadka, teknoolajiyadda, iyo dhaqaalaha, isagoo heshiiskan ku sifeeyay mid ku qotoma ruuxda “Heshiisyadii Abraham”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markiiba si kulul u cambaareysay ku dhawaaqista Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah iyo weerar bareer ah oo lagu oo qaaday madax-bannaanideeda dhuleed.

Dhanka kale, Madaxweyne Geelle ayaa ka digay cawaaqibka istaraatiijiyadeed ee ka dhalan kara arrinta magaalada xudunta u ah is-qabqabsiga ee Berbera, taas oo leh deked biyo qoto-dheer oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Wuxuu muujiyay cabsida uu ka qabo in Israa’iil ay halkaas ka sameysato saldhig milateri si ay awood ugu yeelato agagaarka marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab. Sidoo kale, wuxuu ka digay in madaxda Somaliland ay xukuumadda Netanyahu dartiis u sameyn karaan tanaasulaad siyaasadeed oo xad-dhaaf ah, isagoo xusay inay suurtagal tahay inay siiyaan wax kasta oo uu dalbado si ay aqoonsi u helaan.

Geelle ayaa xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”, ku tilmaamay mid qabow, isagoo xaqiijiyay inuu shakhsiyan diiday inuu qaabilo. Wuxuu intaas ku daray in inkastoo xuduudda dhulku ay furan tahay, haddana si buuxda loo joojiyay isku-socodkii duulimaadyada hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dooday in muddo 34 sano ah ay madaxda Somaliland raadinayeen aqoonsi qiimo kasta ha ku kacee, taas oo uu xusay inay hadda khatar ku tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay jabinayso mabaadi’da Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Wuxuu si adag u naqdiyay qaab-dhaqankaas, isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha Somaliland ay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay aqbalaan gacan kasta oo loo soo taago, xitaa haddii ay tahay gacanta sheydaanka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in taasi aysan marnaba ahayn mowqifka dowladda Jabuuti.

The post Geelle oo weerar ku qaaday Somaliland iyo Imaaraadka, kana diiday Cirro in uu qaabilo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this