Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqooyi Bari oo ku eedeeysay Somaliland dagaalka ka dhacay Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
1000140131-1440x1151.jpg

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland dagaal maanta ka dhacay deegaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag.

Waqooyi Bari waxay sheegtay in maamulka Somaliland uu weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degan deegaanka Shidan oo hoostaga degmadda Laasqoray, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Hadal qoraal ah oo ka baxay wasaaradda amniga Waqooyi Bari ayaa lagu yiri “saaka abbaaro 8:30 subaxnimo maamulka gooni-goosadka ah ee Waqooyi Galbeed waxay weerar qaawan ku soo qaadeen dadka shacabka ah ee degan deegaan xeebeedka Shidan oo hoostaga degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare isugu jirta dhaawac iyo dhimasho”.

Dhanka kale ma jiraan warar ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo looga hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag.

Warar madaxbannaan waxay sheegayaan in dagaalkaas uu u dhexeeyo labo beeleed oo halkaas wada dega, uuna salka ku hayo arrimo la xiriira macdan qodis.

Deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag ayaa ah deegaano caan ku ah qodista dahabka, waxaana mudda sanado ah ka jirtay colaad u dhexaysa laba beelood.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this