Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   
1000140304.jpg

Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya bulshada degmada Galdogob ayaa fuliyay howlgal ka dhan ah nin maalin ka hor dad safar ah dil iyo dhaawac ugu gaystay gudaha magaalada Galdogob.

Ninkan oo u baxsaday dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka dabatagay ciidamada ammaanka, kuwaas oo dilay, kaddib markii uu diiday in uu isa soo dhiibo, sida uu sheegay taliyaha qaybta booliska gobalka Mudug Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Meydka ninkan waxaa la keenay gudaha magaalada Galdogob iyo goobtii uu ku dilay nin darawal ah oo safar ah, uuna ku dhaawacay labo qof oo kale, waxaana meydkiisa u soo daawasho tagay boqolaal qof.

Ninkaan howlgalkiisa waxaa saxiixay odayaasha dhaqanka beeshiisa, kuwaas oo bixiyay amar ah in nolol iyo geeri mid uun lagu keeno.

Howlgalkan waxaa soo dhaweeyay bulshada degmada Galdogob iyo tan gobolka Mudug, waxaana loo arkaa mid xal u noqon karta dilalka faraha badan ee ka dhaca gobolka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this