Deeq A. Posted 22 hours ago Iiraan ayaa weeraro ku qaaday dalalka Imaaraadka, Sucuudiga, Qadar iyo Baxreyn oo saldhigyo ciidan uu ku leeyahay Maraykanka. Wararka ka imanaya caasimadaha Abu Dhabi, Riyaad, Dooxa iyo Manama ayaa tebinaya qaraxyo waaweyn, seeriga degdegga, difaaca hawada oo howlgal ka socdo iyo qiiq badan. Qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ee la weeraray ayaa sheegay in dhammaan gantaalladii lagu bartilmaameedsaday la qabtay lana soo riday. Weeraran lala beegsaday caasimadaha dalalka Khaliijka ayaa yimid, kaddib markii Maraykanka iyo Israa’iil weerar ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Iiraan waxay hore u sheegtay in ay jawaab burburin ah ka bixin doonto weerarada Maraykanka iyo Israa’iil. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites