Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000140729.webp

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib muddo saddex todobaad ku dhow oo ku maqnaa Muqdisho.

Madaxweyne Deni waxaa Muqdisho ka soo raacay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo senatarrada Puntland ku metela dowladda Federaalka, kuwaas oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha Baatroolka dowladda Federaalka xildhibaan Ismaaciil Buraale.

Mustaqbalka Golaha ayaa ku ballamay in ay bartamaha bisha Abriil shir ku qabsadaan magaalada Garowe, kaas oo ay doonayaan in ay uga arrinsadaan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Siciid Deni wuxuu hore u sheegay in uusan magaalada Muqdisho ka tagi doonin tan iyo inta laga heshiinayo arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this