Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ข๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š ๐€๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐ฌ๐ก๐จ-๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1772135277030.jpg

FB_IMG_1772135272907.jpg

FB_IMG_1772135267986.jpg

FB_IMG_1772135263713.jpg

FB_IMG_1772135260619.jpg

FB_IMG_1772135253110.jpg

FB_IMG_1772135249014.jpg

FB_IMG_1772135238433.jpg

FB_IMG_1772135230173.jpg

FB_IMG_1772135217114.jpg

FB_IMG_1772135280559.jpg

FB_IMG_1772135287868.jpgFB_IMG_1772136378522.jpg

FB_IMG_1772136386706.jpg

FB_IMG_1772135298895.jpg

FB_IMG_1772135302808.jpg

FB_IMG_1772135307144.jpg

FB_IMG_1772135311575.jpg

FB_IMG_1772135314849.jpg

FB_IMG_1772135318644.jpg

FB_IMG_1772135322561.jpg

FB_IMG_1772135326830.jpg

FB_IMG_1772135330189.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa kulan Afur iyo Casho-sharaf isugu jira Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Culimada kala duwan ee Dalka.

Kulankan oo ah mid sannadle ah oo Madaxweynuhu Bisha Barakaysan ee ku qabto Madaxtooyada JSL ayey ujeeddadiisu ahayd maamuus, is xog-waraysi iyo dhiirrigelinta doorka Culimadu ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxana halkaas hadallo wacdi, waano iyo wax-u-sheeg isugu jira ka jeediyey qaar ka mid ah Culimada ugu magaca weyn dalka, kuwaas oo Madaxweynaha Qaranka ku bogaadiyey mudnaanta iyo kaalinta mugga leh ee uu Madaxweynuhu mar kasta siiyo Culimada Dalka.

Culimadu waxa ay ganacsatada iyo muxsiniinta ugu baaqeen in ay qayb ka qaataan Gurmadka iyo Taakulaynta taakulaynta dadka iyo duunyada ku tabaalaysan abaarta baahsan jirta Dalka oo dhan.

Sidoo kale, Culimadu waxa ay sheegeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dawladnimada iyo Qarannimada, iyaga oo si weyn u soo dhaweeyey Ictiraafka ay dhawaan Dawladda Dalka Israaโ€™iil ina siisay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdilaahi-Baashe Daahir Jaamac oo halkaasi ka hadlay, ayaa Culimada si weyn u soo dhaweeyey, waxana uu ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen kaalintoodii bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kulanka soo afmeeray, ayaa Culimada Dalka si weyn ugu ammaanay doorkooda ilaalinta qarannimada, nabadda, xasilloonida dalka iyo ka hor tagga khal-khal gelinta iyo dacaayado cadaawaysan oo lagu furo Ictiraafka ay Dawladda Israaโ€™iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this