Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamac Gaabuush waxa uu noqday Guuleed Xaajow Gurigaa ba’a

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250225-WA0015.jpg

JAAMAC GAABUUSH WUXUU NOQDAY GUULEED XAAJOOW GURIGAA BA’.

Waqti waqtiyada ka mid ah waxa carriga hawdka Burco iyo Oodweyne ka talin jiray nin suldaan ah oo la odhan jiray Guuleed Xaaji, waa intii aanuu Ingiriisku inoo iman, Guuleed wuxuu ahaa Sulddaan caadila oo talo wanaagsan xukunkiisuna uu deeqo dadka (caaddil).
Haddaba xukunku dadka ma wada deeqee qof ku qanciwaayay oo laga gar helay ayaa yidhi Alla GUULEED XAAJOOW GURIGAA BA’
Maalin maalmaha ka mida ayay islaan adhi la joogta adhigii ka diday dabadeed waxay tidhi guuleed xaajoow gurigaa ba’ waanuu ag marayaa, Guuleed islaantii wuxuu ku yidhi naa maxaad ii habaaraysaa intay naaxday ayay tidhi adeer dadkuba wuu lahaaye raalli ahoow.
Waxaan maalin kasta arkaa dad waaweyn oo laga dhex hadlaayo oo hal’hays ka dhigtay Jaamac Gaabuush oo ah hormood waddanka horumarka ka socda qayb ka ah guulo badanna soo hooyay waxaan leeyay NINKEED CUNAAY kala baro nacabka iyo nasteexa.

Siyaasiyiinta wax ma garatada soo dirayana waxaan leeyay godka ka soo baxa oo is caddeeya.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this