Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Maraykanka ee Israel: ‘Waa in aad si degdeg Israel uga baxdaan maanta’

Recommended Posts

Deeq A.   

766558c4-ea65-4d05-852b-0401a09a3ebf.png

Safiirka Maraykanka ee Israel: ‘Waa in aad si degdeg Israel uga baxdaan maanta’
.Xigashada Sawirka,Reuters
Safaaradda Mareykanka ee Israa’iil ayaa Jimcihii maanta u sheegtay shaqaalaheeda inay ka bixi karaan dalka, waxayna ku boorrisay cid kasta oo ka fiirsaneysa bixitaanka inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxdo dalkan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo suurtagalnimada weerar Mareykan ah oo ka dhan ah Iiraan.

Safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa email u diray shaqaalaha safaaradda, isagoo sheegay in wada-hadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Washington ay horseedeen go’aan oggolaanaya bixitaanka kuwa doonaya inay ka tagaan dalka.

Qoraalka emailka ayaa loo sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press qof ka tirsan howlgalka Mareykanka oo aan loo oggolaan inuu faahfaahinta shaaciyo. Emailka oo la diray ka hor 10:30 subaxnimo ayaa ku boorriyay shaqaalaha ka fiirsanaya bixitaanka inay si degdeg ah u baxaan, islamarkaana marka hore raadiyaan duullimaad kasta oo ka baxaya Israa’iil, kadibna u safraan Washington.

“Qof kasta oo doonaya inuu qaato AD waa inuu sidaas sameeyaa MAANTA,” ayuu Huckabee ku qoray, isagoo adeegsanaya erayga loo soo gaabiyo “authorized departure” (bixitaan la oggolaaday).

Wuxuu intaas ku daray: “Inkasta oo laga yaabo inay jiraan duullimaadyo baxaya maalmaha soo socda, haddana waxaa suurtagal ah inaysan jirin.”

Bbcsomsli

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this