Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne afar bilood keliya talada hayey oo xilka laga xayuubiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlaamanka dalka Peru ayaa xilkii ka qaaday madaxweynihiu talada hayey afartii bilood ee la soo dhaafay ee José Jerí kaas oo lagu eedeeyey dastuur jebin, musuq maasuq, iyo in uu dhegaha ka furaystay baaqyadiii uga yimi xildhibaannada dalkaas.

Ninkan oo 39 jir ah ayaa xilka loo dhiibay bishii October ee sannadkii hore balse waxa lagu eedeeyey in uu sannadkii hore bishii December uu kulan la qaatay nin Ganacsade ah oo Shiinaha u dhashay kaas oo la tuhunsan yahay in uu ka helay dhaqaale aad u badan oo uu mashaariic ku siiyey isaga oo aan soo marin dhinaca Baarlaamanka.

Waxana hadda José Jerí lagu samayn doonaa baadhis dheeraad ah oo ku wajahan falalka uu ku kacay. Dalkan oo bisha April doorasho looga dareerayo ayaa si weyn ula dagaallama fara gelinta shisheeye iyo in la sameeyo musuq maasuq baahsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this