Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin macdanaha qaaliga ah ee Somaliland kula gorgortamayso awoodaha caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waraysi uu bixiyey wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa noqday mid si weyn u qabsaday warbaahinta Caalamka sida AFP, The Sun, Al jazeeera, Daily Sabah, France24, DW, BBC, Sky news Arabic, Al Arabiya, First Post, Press Tv, Times of Israel, Step news iyo qaar kale.

Warbaahinta ayaa si gaar ah uga faallootay qodob ay Somaliland u soo bandhigtay dalka Maraykanka kaas oo ah in ay doonayaan is dhaafsi dhex mara labada dhinac oo laysku beddelayo aqoonsi iyo macdanaha qaaliga ah.

Haddaba maxay yihiin macdanaha ay Somaliland aqoonsiga ku doonayso ee soo jiitay warbaahinta Caalamka? Somaliland ka sokow in ay dhacdo gacan muhiim u ah ganacsiga adduunka, waxa ciideeda ku duugan macdno qaali ah oo dunidu xilligan si weyn ugu baahan tahay kuwaas oo aynu ka xusi karino, Copper, Lithium, Uranium,coltan iyo Gold.

Macdanahan oo si dabiic ah looga helo Somaliland lagama faa’iidaysan marka laga reebo dahabka oo ay qotaan dad iskood u xamaasha iyo shirkado aan lahayn awood aad u balaadhan.

Dhammaanaba macdanaha ay Somaliland soo bandhigtay waa kuwo muhiim u ah dunida wakhtigan la jooga iyaga oo looga baahan yahay wershadaha sameeya Bayteriyada cadceedda ku shaqeeya, hubka halista sida Nuclear-ka iyo gawaadhida casriga ee aan shidaalka loo adeegsan.

Dalka Maraykanka oo Somaliland hadda u soo bandhigtay waxa uu si weyn u raadinaya macndaha naadirka ah isaga oo heshiisyo la galay dalal ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. In Somaliland kaadhkan miiska soo saartay ayaa ka dhigan in ay doonayso soo dhowaynta luuqadda uu wax ku fahmo madaxweyne Trump sidoo kale in warbaahinta dunidu arrinkan si weyn uga faallootay ayaa ah mid muujinaysa waynaanta gor gortanka Somaliland ku doonayso aqoonsi Caalami ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this