Sign in to follow this  
Deeq A.

Socdaal Taariikhi ah: Madaxweynaha Somaliland oo bisha March booqanaya Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa la filayaa inuu daboyaaqada bisha March ee fooda innagu soo haysa uu socdaal rasmi ah ugu boqooli doono dalka Israel, sida ay Jerusalem Post u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo booqashan si dhow la socdaa.

Socdaalkan ayaa noqon doona kii u horreeyay ee rasmi ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tago dalkaasi, Iyadoo Madaxweynuhu uu booqasho ceelalyo ahayd uu hore ugu tagay Israel, taasi oo wada-hadalladii uu la soo yeeshay ay Somaliland u horseedeen aqoonsiga dalkaasi siiyay Somaliland bishii December 2025.

Waxaanay wada xaajoodyadaasi dhiddibada u taageen iskaashiga labada dal yeesheen.

Warku wuxuu intaas ku daray in waxyaabaha xidhiidhka Somaliland iyo Israel uu xoogga saari doono ay ka mid yihiin dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha iyo hal-abuurka, kuwaas oo Israa’iil ku jirto wadammada hormuudka ugu ah caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this