Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Turkiga oo beenisay in gantaalaha difaaca ee S-400 la geeyey dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Turkiga ayaa beenisay in gantaalaha difaaca ee S-400 la geeyey dalka Soomaaliya ama lagu wareejiyey dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga Zeki Aktürk ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toonna aan lahayn isla markaana aanu jirin wax qorshe ah oo Turkigu ku doonayo in uu nidaam difaac ku keeno Soomaaliya.

Beenintan ka timi Ankara ayaa daba socota warar ayaa maalmihii la soo dhaafay daabaceen Warbaahinta ka ag dhow xukuumadda Xasan Sheekh kuwaas oo sheegay in Soomaaliya heshay nidaamka S-400.

Turkiga ayaa dhowaan sidoo kale beeniyey in uu Soomaaliya siiyey diyaaradaha F-16 ka dib warkii ka yimi wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this