Sign in to follow this  
Deeq A.

Milicsiga Buugga Baadi-goobkii Nabadda Geeska (Qaybtii Labaad)

Recommended Posts

Deeq A.   
1000132456-1440x896.jpg

Hordhac

Buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah, oo uu dhowaan qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Buuggu waxa uu ka faaloonayaa shaqadadii uu Danjire Afey soo qabtay muddo ku dhow labaatan sanno. Buuggu waxa uu daboolka ka rogayaa dadaalkii loo soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay. Qaybtaan waxa aan ku soo qaadanaynaa dhacdaayinka uu qoruhu kaga hadlayo magacaabistii raysul-wasaare Geedi, is-faro saarkii iyo kala qaybsankii baarlamaanka, xarigii Muuse Suudi, sahankii dib u celinta dawlada iyo degistii Jowhar, dhacdadii dhex martay Danjire Afey iyo Indha Cade, soo if-baxii burcad badeedka, heshiiskii Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan, dawlada oo u guurtay Baydhabo, qabsoomidii kulankii baarlaamka ee guddaha Soomaaliya iyo taageeradii Keynta.

Magacaabistii Raysul-Wasaaraha

Qaybtii kowaad ee buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waxa ay ku joogtay doorashadii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo soo jeedintii khudbad dalka dibadiisa iyo gudihiisa si weyn looga soo dhoweeyey.

Markii la doortay Madaxweynaha, durbadiiba waxaa bilowday hardankii loo galay doonista raysul-wasaaraha oo ay u tartamayeen beelaha Dir iyo Mogadishu Clan, maadaama wax lagu qaybsaday 4.5. Qoruhu waxa uu sheegay in ay maalin la kulmeen ergo ka socotay beesha Abgaal oo uu hogaaminayey Cali Geedi, Salaad Jeele, Bashiir Raage Shiiraar iyo rag kale oo u suxul duubayey in Maxamed Dheere laga dhigo raysul-wasaare. Cali Geedi oo furay hadalkii ayaa sharxay kartida Maxamed Dheere, sidoo kale waxa uu ka sheekeeyey taariikh nololeedkiisa. Danjire Afey oo la dhacay taariikh nololeedka Geedi ayaa si deg deg ah u yiri: “Adigu maxaad u raadin weydey raysul-wasaaraha.” Sida uu qoruhu sheegay arrintaas waxa ay Geedi ku riday damac ah in uu doono raysul-wasaaraha. Kenya waxa ay rabtay in Cabdullaahi Cadow laga dhigo raysul wasaare, maadaama uu xildhibaanada ka helay codad badan uuna ahaa diblumaasi rug caad ah. Sidoo kale waxa jirtay in hogaamiye kooxeedyada loo diidanaa inay noqdaan raysul wasaare.

Afey oo xog-wareysi ugu tegay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ayaa arkay Cali Maxamed Geedi oo sugaya in uu la kulmo Cabdullaahi Yuusuf. Danjire Afey, waxa uu la hadlay qoladii qaabilsanayd hab-maamuuska madaxweynaha in ay siidaan Geedi. Waxa jiray sharci ah in raysul-wasaaraha laga soo dhex xulo baarlamaanka. Arrintaasi waxa ay keenay in Maxamed Dheere u baaneeyo Cali Maxamed Geedi xubintii baarlamaanka si loogu magacaabo reysul wasaare. Ugu danbayntii bishii Nofeember 2004, ayaa Cali Maxamed Geedi loo magacaabay raysul-wasaare. Ka dibna waxaa la dhisay dawladii.

Khilaafkii Baarlamaanka

Qoruhu waxa uu qorey in Cabdullaahi Yuusuf uu ciidamo ka codsaday shirkii Midowga Afrika ee ugu kaga qayb galay magaalada Addis Ababa, bishii Janaayo 2005. Bishi Maarso 2005, ayaa baarlamaanka la hor keenay codsigii ahaa in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya. Arintaasi waxay ay keentay in baarlamaanki labo garan u kala jabo. Arrintaasi waxa ay yareysay kalsoonidii ay Kenya ka qabtay dawlada cusub, waxayna iftiimisay heerka uu le’eg yahay khilaafka bulshada Soomaaliyeed iyo waxayna keentay ceeb dunida oo dhan laga daawaday isgacan-saarkii xildhibaanada. Muuse Suudi ayaa ka mid ahaa xildhibaano la xiray. Danjire Afey ayaa ku booqday Suudi qol yar oo ciriiri ah oo lagu xiray. Muuse waxa uu ku yiri: “Ma garanaysaa waxa ay dawlada Kenya igu xirtay?”, intii aan jawaabin ayuu Muuse yiri: ”Sababta aan xabsiga u galay aad ayaan ugu faraxsanay, oo waxa aan diidanahay in ciidamo shisheeye dalkayga la keeno”. Muuse waxa uu sheegay in uu maanta ka dhigan yahay Mandela oo dalkiisa ku dhowaad 30 sanno xoriyad u raadinayey, uusana waxba ka qabin in jiritaanka iyo badbaadada dalkiisa loo xiro. Ugu dabnayntii Muuse waxa lagu soo daayey codsi uu sameeyey Danjire Afey.

Taasi waxa ay keentay in Shariif Xasan, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan barlamaanka ay Muqdishu ka degaaan. Qoruhu waxa uu sheegay inay dawlada Kenya soo food saartay culays dhaqaale, niyad jab, iyo shacabka Kenya oo ku eedeeyey in ay dhaqaale ku bixinayaan dad dalkoodii soo burburiyey. Madaxdii Soomaaliyeed ee ku hartay Nayroobi uma arag arrintaas mid culus. Madaxweyne Kibaabi oo dareensanaa culayska arrintaas ayaa yiri: “Halkan ayay ku dhimanaysaa dawlada la dhisay, haddii aan ka taxadarin dawlada, oo aynaan kala shaqayn sidii loogu rari lahaa dalkooda”.

Sahankii Rarista Dawlada

24-kii Bishii Abriil 2005, ayaa wafti ka koobnaa xubno dawlada ka tirsan oo uu hogaaminayey raysul-wasaare Geedi iyo xubno ka socday bulshada caalamka oo uu hogaaminayey Danjire Afey waxa ay ka degteen garoonka Number Konton si ay u soo sahmiyaan in dawlada loo rari karo Muqdisho. Waftigii waxa ay degeen Waqooyiga Muqdisho oo si wanaagsan loogu soo dhoweyey. Waftigu waxa ay la shireen xildhibaanadii iyo hoggaaminaayshii ka soo tegay Nayroobi. Afey waxa uu shirka ka sheegay in aysan dalka u wanaagsanayn kala jabka dawlada. Hogaamiyaashii gadoodsanaa waxa ay sheegeen in aysan diidanayn in dawladu Muqdisho timaado, laakiin ay diidan yihiin in dalka ciidamo shisheeye la keeno. Maxamed Qanyare, oo waftiga casumay, ayaa u sheegay in ay diidan yihiin keenista ciidamada shisheeye. Cali Geedi ayaa u akrey arrinta diidmada ciidanku in ay tahay boor isku qaris iyo in ay dawladiisu marayso jidkii ay martay dawladii Cabdiqaasim haddii aysan helin ciidamo shiheeye oo amniga ka gacan siiya.

Shir lagu qabtay garoonka ciyaaradaha ee Muqdisho oo loogu talo galay inuu ka hadlo raysul-wasaare Geedi ayaa qarax ka dhacay, kaas oo ay dad badan ku dhinteen. Waftigii Muqdishu tegay waxa ay ku warbixiyeen in aysan dawladu ku shaqayn karin magaalada Muqdisho iyo in dawlada loo daayo in ay go’aan ka gaarto doorashada magaalada ay ku shaqayn karto. Dawlada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay u guurto magaalada Jowhar oo uu maamulayey Maxamed Dheere. Cabdullaahi Yuusuf waa uu soo dhoweeyey go’aankaas.

Doodii Dhexmartay Indha Cade iyo Afey

Garoonka Number Konton oo ay ka degteen waftigii qiimeenayey in dawlada Kenya lagu dhisay ay ku shaqayn karto magaalada Muqdisho. Waxaa yimi ciidamo farabadan, mana lahayn habmaamuus soo dhoweyn. Afey ayaa gacanta qabsaday safiirkii Al-Jeeriya oo waftiga ka mid ahaa, si aan looga tegin. Indha Cade ayaa arkay ninka carabka ah ee cidlada jooga, ka dibna gacanta ayuu soo qabtay, waxa uuna ku yiri Afey oo la taagnaa: “Adigu maxaad ahay?”, Afey ayaa ku jawaabay: “Waxa aan ahay safiir”, Indha Cade oo aad ula yaaban jawaabta Afey oo kor iyo hoos ka fiiriyey ayaa yiri: “Ma adigaa safiir ah?”, Ka dibna, wax uu saaray gaarigiisa. Wax yar markii la socday ayuu Indha Cade u jeensaday dhankii Afey oo ku yiri: ”Waryaa adigu maxaad ahayd?” Afey waxa uu yiri: “Waxa aan ahay safiirka dawlada Kenya ee Soomaaliya, Maxamed Cadi Afey”. Indha Cade oo kor u qaylinaya, dhankii Afeyna surka u soo leexiyey ayaa yiri: “Ma adigaa Afey ah?”, Afey ; “Haa, anigaa Afey ah”. Indha Cade ayaa yiri: “Oo maxaad naga soo doontay?, …Halkan dil ayaa kaaga qoran.” Afey: “Maxaa dhacay, maxaanse galabsaday?” Indha Cade oo codka kor u qaadaya oo xabeebsan ayaa yiri: “Ninka nagu soo dhisay Cabdullaahi Yuusuf oo Daarood ahaan ugu hiilinayey, sow ma tihid?… hadde Muqdisho dil ayaad uga qoran tahay ee ogsoonow” Afey oo garan la’ meesha uu kala hadlayo Indha Cade ayaa yiri: “Anigu safiir dal kale ka socda ayaan ahay, waxa aad ka hadlayso waxba kama sheegi karo, Cabdullaahi Yuusuf waxaa doortay hoggaamiyaashii iyo ergadii ka socotay Muqdihso, raysul-wasaaraha aad maanta soo dhoweysay, waxaa magacaabay madaxweynaha aad diidan tahay.” Indha Cade oo sii xanaaqay ayaa yiri : “Waa duli raysul-wasaaraha aad sheegayso iyo kuwa kale ee aad leedahay wax bay doorteen, idinka iyo Itoobiya ayaa ku cadaadiyey in ay Cabdullaahi Yuusuf madax noona dhigaan, mana suuro galayso in aan la shaqayno.”

In yar ka dib, Indha Cade hadalkii ayuu bedelay oo waxa uu sheegay in uu yahay nin Soomaaliyeed, oo aan qabyaalad aqoon, ka dibna waxa la soo istaagay isbaaro. Indha Cade waxa salaamay nin dheer oo indha gaduudan oo qori silsilad leh wata. Indha Cade waxa uu Afey ku yiri: “Kan waa Ugaadeen, waa reerkaaga, ciidankayga ayuu ka tirsan yahay, ciidankayga qabiil kasta ayaa ku jira. Dood dheer ka dib, Indha Cade iyo Afey waa lays af gartay, oo Indha Cade waxa uu sheegay in inta ay Muqdisho joogaan ay marti u yihiin oo uu amaankooda uu ka masuul yahay, taas oo kalsooni ku abuurtay Afey. Afey intii uu joogay Muqdisho waxa meel kasta oo uu u baahdo geynayey Indha Cade oo ay aad isku fahmeen. Afey waxa uu gadaal ka ogaaday in ay Muqdisho taalay in uu Afey yahay qofka ka dambeeyey doorashada Cabdullaahi Yuusuf.

Dawladii oo Jowhar u Guurtay

Geedi ayaa u sii gogol xaaray degitaankii magaalada Jowhar, ka dibna 25-kii Juulay 2005 ayaa dawladii si rasmi ah ugu guurtay magaalada Jowhar. Cabdullaahi Yuusuf markii u tegay Jowhar waxa uu galay shaqab, oo ma xukumin dalka, xitaa magaalada uu joogo, waxaa wax laga weydiin jiray Maxamed Dheere, oo ay soo marijireen dhaqaalaha dawlada u socda. Afey waxa uu tegay magaalada Jowhar si uu xaalada u soo qiimeeyo. Waxa uu soo arkay magaalo kooban, oo aan hurumar lahayn oo nin keliya xukumo, hase yeeshee dadku ay niyad wanaagsan yihiin. Si loo muujiyo taageerada dawlada waxa lagu qabtay magaalada Jowhar shirkii golaha wasiirada ee IGAD. Shirka waxaa ka soo baxay in ciidan gaaraya 250 askari oo ilaaliya madaxda sare loo tababaro dawlada. Dawlada Kenya ayaa tababartay ciidankaas oo qaar ka mid ah markii dambe ay noqdeen taliyaasha ciidanka ee Soomaaliya.

Dhalashadii Burcad Badeeda

Waxaa xeebaha Soomaaliya ka bilowday afduubka iyo madax furasho laga qaato maraakiibta la qabsado. Arrinta Afey qusaysa waxa ay ahayd qabsashadii Markab (MU-Semlow) u rarnaa WFP oo ku socday Boosaaso. Markabku waxa uu ka soo shiraacday magaalada Mombasa, waxa uuna siday 850 tan oo raashin gargaar ah oo loo waday xeebaha Soomaaliya. Sideed ka mid ah shaqaalaha markabka waxa ay ahaayeen Kenyaan. Ehladii shaqaalaha Kenyaanka ah waxa ay la soo xiriireen Mwangu oo ahaa agaasimaha hawlaha badda ee Kenya. Xiriir uu la sameeyey xeebaha Soomaaliya waxa uu ku ogaaday in ay burcad-badeed qabsatay markabkii MU-Semlow. Burcad-badeedii waxa ay la xiriireen shirkadii lahayd markabka iyo eheladii shaqaalaha markabka saarnaa oo waxa ay weydiisteen madax-furasho dhan 500 kun oo doolar, taas oo ay diiday in ay bixiso shirkadii markabka lahayd.

Cabashadii eheladii dadka Kenyaanka ah ee lagu haysto markabka ayaa warbaahinta Kenya qabsatay. Wasaarada arrimaha dibada Kenya oo aan doonay in ay madax-furasho bixiso, ayaa bilowday sidii wax looga qaban lahaa arrintaas. Afey oo arrintaas wax ka qabashadeeda lagala hadlay ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay Mwangu oo ay si joogto ah ula soo xiriirayeen burcad badeedku. Afey waxa uu la hadalay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne). Afweyne waxa uu gartay Afey oo waxa uu yiri: “Sow ninka dawlada Soomaaliya wax ka soo dhisay ma tihid”, Afey: “Haa waa aniga, … adiga ayaa reer Xaradheera ah ee maad naga caawisid siideynta markabka”. Afweyne: “Waxa aan isku dayayaa in aan u tago dhalinyarada markabka haysta oo aan la hadlo”. Waqti yar ka dib waxa uu Afweyne sheegay in uu ka quustay. Markabka oo ay ka go’een biyihii iyo raashinka, ayaa la qafaashay Markab kale (MV-Toglu) oo Soomaali u rarnaa, kaas oo laga helay biyo iyo raashin. Wada hadal ka dib waxaa la siidaayey markabkii Soomaalida u rarnaa oo u socday magaalada Berbera.

Safar ay soo agaasintay WFP ayuu Afey ku tegay magaalada Jowhar, isaga oo la kulmay Juurile oo ahaa wasiirka qorsheynta. Qorshuhu waxa uu ahaa in uu Afey arrintaas kala hadlo dawlada Soomaaliya, hase yeeshee, waxa uu shir la galay odayaal reer Xaradheere ah si ay arrintaas waxa ugu qabtaan. Odayaashii waxa ay soo celiyeen in dhaliyarada markabka qabsatay la siiyo madaxfurasho oo ay iyagu ka noqdaan dhexdhexaadin. Afey waxa uu la noqday gacmo maran. Waxaa bilowday dadaal ay wadeen dad Soomaaliyeed oo qandaraasyada ka qaata WFP oo uu hogaaminayey Abuukar Cadaani oo burcad badeeda ku cadaadiyey in la siidaayo markabka. Burcad-badeedkii markii ay ka quusteen helitaankii madax-furashadii ay dalbadeen, waxa ay la degeen raashinkii markabka saarnaa, ka dibna waxa ay siidaayeen markabkii iyo shaqaalihii saarnaa. Afey waxa uu ku qaabilay shaqaalihii markabka magaalada Mombasa. Dawlada Kenya iyo eheladii dadkii la soo daayey ayaa Afey uga mahad celiyey dadaalka uu sameeyay. Madaxweyne Kibaaki waxa uu guddoonsiyay Afey bilad-sharaf. Muddo ka dibna, golaha amaanku waxa uu soo saaray qaraarka tirsigiisu yahay 1846 oo ka dhan ah burcad badeedka iyo in xeebaha Soomaaliya la geeyo ciidamo ilaaliya.

Dawlada oo u Guurtay Baydhabo

Markii ay dawladu ku shaqayn weyday magaalada Jowhar, ayna jirto kala qaybsanaanta u dhexaysa dawlada oo uu Shariif Xasan, xildhibaano iyo wasiiro ay jooga magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bilaabatay in laga guuro magaalada Jowhar. Feebaraayo 2006, ayaa shir lagu heshiisiiyey Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan lagu qabtay magaalada Sanca. Cali Cabdalla Saalax ayaa garwadeen ka ahaa dhexdhexaadinta, waxaana lagu heshiiyey in Baydhabo loo guuro. Hase yeeshee, hogaaamiye-kooxeedyada dawlada wasiirada ka ahaa ee joogay Muqdisho waxa ay diidanaayeen in Baydhabo loo raro dawlada. Bishii Feebaraayo 2006, ayey dawladii u guurtay magaalada Baydhabo. Waxa isla bishaas lagu qabtay Baydhabo shirkii Baarlamaanka ee ugu horreeyey, kaas oo ay ka soo qayb-galeen wafti caalami ah oo uu ka mid ahaa Afey. Qoruhu waxa uu sheegay in ay Baydhabo wax badan ay kaga duwanayd magaalada Jowhar oo nin keliya gacanta ugu jirtay, sida dhismayaasha iyo magaalada oo uusan xukumin hogaamiye kooxeed.

Wafti ka socda dawlada Kenya oo uu ka mid yahay wasiir-ku-xigeenka arriamaha dibada iyo Afey ayaa tegay Muqdisho si ay xog uga helaan xoogaga maxkamadaha iyo si ay wasiiradii joogay magaalada Muqdisho ugu qanciyaan in ay Baydhabo tagaan. Hogaamiye-kooxeedyadii wasiirada ka ahaa dawlada waxa ay ku adkeyteen in Muqdisho lagu shaqayn karo oo ay haystaan ciidamo amniga sugi kara. Waxaa la qorsheeyey safaro bile ah in lagu tago magaalada Baydhabo si xaalada loola socdo. Safarkii ugu horreeyay oo Afey iyo safiirka Midoowga Yurub waxaa ay la kulmeen Cabadullaahi Yuusuf oo sheegay caqabadaha haysta dawalada, sida kala-qaybsanaata, dhaqaale xumo, abaabul dagaal oo Muqdisho ka socda iyo maqnaanshaha Somaliland. Qoraagu waxa uu sheegay in uu Cabdullaahi Yuusuf oo ay haysato xaladaas adag muujiyey calool adayg oo uu ahaa nin aad isugu kalsoon. Shirkii markii uu dhammaaday ayuu Cabdullaahi gacanta qabtay oo si gaar ah ugu sheegay dhaqaale la’aanta jirta iyo in ay xoogaa dhaqaale ah ka helaan Puntland oo aan ku filnay bixinta adeegyada, aysana jirin cashuur ay qaadaan, sidaa darteed uu dawlada Kenya ka codsaday taageero dhaqaale. Afey waxa uu weydiiyey waxa ay u baahan yihiin. Yuusuf waxa uu yiri raashin iyo shidaal ayaa ciidanku u baahan yahay. Afey markii uu Nayroobi ku noqday ee uu la kulmay guddiga amniga qaranka oo uu hogaaminayey xoghayaha joogtada ah ee xafiiska madaxweynaha Kenya, waxay go’aamiyeen in dawlada lagu taageero lacag dhan hal milyan oo doolar. Ka dib Afey waxa uu u sheegay Cabdullaahi Yuusuf go’aanka la gaaray. Yuusuf waxa uu u sheegay in uu soo dirayo Shaati-gaduud (Wasiirka Maaliyada) oo lacagtaas lagu wareejiyo. Hase yeeshee, waxaa si kadis ah u yimi Nayroobi, Cali Geedi oo la wareegay lacagtii, taas oo lagu shubay akoon ay wada maamulayeen Cali Geedi iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

La Soco Qaybta Sadexaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this