Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG-DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hotel Decale ku qaabilaya Siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka

Recommended Posts

Deeq A.   

​MUQDISHO – Wararka naga soo gaaraya dhismaha Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu halkaas ka furmay kulan ballaaran oo qado-sharaf ah, kaas oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ugu sameeyay xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka.

​Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa yimid kadib markii ay siyaasiyiinta Goluhu gaareen hotelka, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Inkasta oo kulanku u muuqdo mid maamuus iyo qado ah, haddana xogta hoose ayaa xaqiijinaysa inay socdaan wada-hadallo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka ee xilligan taagan.

​Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah isku soo dhowaanshaha dowladda iyo mucaaradka, iyadoo weli aysan dhicin wax kulamo tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen golaha Mustaqbalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this