Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay hoggaanka Jubaland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa xalay kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo kala ah Ahmed Mohamed Islaam iyo Said Abdullahi Deni.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, si loo dardargeliyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, loona adkeeyo wada shaqeynta dhinacyada amniga.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha amni ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, iyadoo la isla gartay in loo baahan yahay qorshe mideysan oo lagu wajahayo khataraha argagixisada iyo qalalaasaha, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo sugidda xasilloonida guud.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la-shaqeynta Dowlad-Goboleedyada, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Ahmed Mohamed Islaam iyo Madaxweynaha Said Abdullahi Deni ayaa dhankooda muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan in ay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo dowlad-nimada iyo amniga dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this