Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabaha aanan soonka jebinin Iyo Waxyaabaha Soonka jebiya Waxabka mifd ah……

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:

1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin – hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

1. Cunid & cabid
2.Jimaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu qofku diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur’aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafir
2. Uu xanuunsado xanun daran
3. Ay ucabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin #kusali xabibkeena #Mohmed N.n.k.h. scwscwscwacw.
Jadwal fiican oo aad raaci kartid Bisha Ramadanka, kuna anfici doona

habka quranka aad ku dhamayn kartid 30ka jus 30malmood

Salaada subax kadib : 4 bog
Salaada duhur kadib : 4 bog
Salaada casar kadib : 4 bog
Salaada maqrib kadib : 4 bog
Salaada cishe kadib : 4 bog

□Habka aad ku dhamayn kartid 30ka jus 15 bari

Salaada Subax 8 bog
Salaada Duhur 8 bog
Salaada Casar. 8 bog
Salaada Maqrib 8 bog
Salaada Cishe 8 bog

□Habka aad ku dhamayn kartid 30ka jus 12 malmood

Salaada Subax. 10 bog
Salaada Duhur 10 bog
Salaada Casar 10 bog
Salaada Maqrib 10 bog
Salaada Cishe 10 bog

□Habka aad ku dhmayn kartid 30ka jus 10 malmood

Salada Subax 12 bog
Salaada Duhur 12 bog
Salaada Casar 12 bog
Salaada Maqrib 12 bog
Salaada Cishe 12 bog

□Qaybtaan waxaa loogu talagalay dadka Hankoodu aadka usareeyo waxay ku dhamayn karaan 30ka jus 6 maalmood

Salaada Subax 20 bog
Salaada Duhur 20 bog
Salaada Casar 20 bog
Salaada Maqrib 20 bog
Salaada Cishe 20 bog

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this