Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland oo waraysi lala yeeshay kagahadlay xidhiidhka iyo aqoonsiga Israel.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo aan waraysi la yeenay dhawaan ayaa wax ka waydiinay saddex qodob oo uu dhawaan sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay ka mid ahaayeen heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Israa’iil.

Aqoonsiga ay Israa’iil dhowr bilood ka hor sheegtay in ay siiyay Somaliland, ayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu sheegay in uu “khtar ku yahay amniga gobolka”.

Waxa uu sidoo kale “xadgudub cad ku tilmaamay” tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.

Abraham Acrod
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dhawaan waraysi siinayay warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegay in aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku salaysanaa heshiis dhigayay qodobo ay ka mid yihiin saxiixa Abraham Acord.

Balse wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland ayaa BBC da u sheegay in taasi ay tahay mid dhab ah.

“Haa”, ayuu ku jawaabay wasiir Cabdiraxmaan Daahir oo wax laga waydiiyay in ay saxiixayaan heshiiska Abraham Acord.

Heshiisyada Abraham Accord, waa kuwa u jeeddu ay tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo wamada Carabta oo ilaa curashadii Israa’iil ahaa mid xun.

Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay intii lagu jiray muddo xileedkii kowaad ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sanadkii 2020, iyagoo jebiyey caado-reebitaan soo jireen ah, kana dhigay dowladihii Carbeed ee ugu horreeyey ee aqoonsada Israa’iil muddo rubuc qarni ah.

Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna raacay. Sidaas oo kale dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiisa.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa hadda ku biiraysa heshiiskaas Abraham Accord sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliland, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid loo qaadayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.

Raritaanka reer Falastiin

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qodobada heshiiska ay qayb ka ahayd in bulshada reer Falastiin la raro lana geeyo dhulka Somaliland, taas oo aynu sidoo kale wax ka waydiinay wasiirka.

“Heshiiskaas dowladda Israa’iil waa ay ka hadashay, anaguna waan sheegnay wax ku saabsan arrinkaas oo aan ka wadahadalnay in aanu jirin. Asagana su’aashaas in la waydiiyo, heshiiskaas meesha uu ku arkay ha soo bandhigo”, ayuu BBC da u sheegay wasiir Cabdiraxmaan.

Wasiirku waxa uu ku dooday in madxweyney Xasan Sheekh uusan haynin xogaha la xiriira heshiiskaas.

Arrintaan ayaa ah mid xilli hore hadal hayn dhalisay kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh carabka ku dhufay marar kala duwan.

“Soomaaliya, marnaba ma aqbalayso, mana aqbali doonto in shacabka reer Flastiin, khasab looga soo salguuriyo dhulkoosa”, ayuu horay u yiri madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo ka hor hadlayay golaha shacabka Soomaaliya, wax yar kadib markii uu Natenyahu ku dhawaaqay in Somaliland uu u aqoonsaday dal madaxbanaan.

Khudbada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray ilaa iyo tobban daqiiqo ayuu sheegay inaysan waxba iska beddelin mowqifka dowladda federalka ee ahaa in wadahadal macno leh lala galo Somaliland islama markaana is fahan waaga jira meesha looga saaro.

Saldhig Milatari
Qodob kale oo uu horay uga dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa in saldhig ciidan ay Israa’iil ka dhisanayso Somaliland, kaa oo sida uu hadalka u dhigay noqon doona “mid wax laga weeraro”.

Wasiirka oo aan arrintanna wax ka waydiinay ayaa yiri: “Madaxweynaha Xamar joogaa wax uu ka og yahay heshiiska aan la galnay Israa’iil haba yaraatee ma jirto”

Ma uusan cadayn dhabnimada waxa ka jira in saldhig milatari uu qayb ka ahaa heshiiskaas iyo in kale.

Balse waxa uu hadalkiisa raaciyay in Somaliland iyo Israa’iil ay ka wada shaqayn doonaan wixii dantoodu ay ku jirto. In aysan jirin wax shuruud ah oo ku xiran heshiiska ay wada galeen labada dhinac ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tallaabada Israa’iil ayaa waxaa ka dhashay falcelin gobolka iyo wadamada kale ee caalmk ah, waxaana horay uga fariistay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa cambaareeyay go’aanka Israa’iil marka laga reebo Marakanka oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedhaay go’aamadeeda, balse isna waxa uu cadeeyay in aanay waxba iska badalin siyaasadiisa ku aadan Somaliland.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this