Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo hambalyo u diray shicibka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1771352654276-300x300.jpg
Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa qoraal.uu ku faafiyay baraha bulshada waxa uu hambalyo u diray bulshada reer Somaliland waxana qoraalka madaxweynahu uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.
Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Soon -Ramadaan 1447 Hijriya / 2026. Waa bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Allah SWT innoo hibeeyey, si aynu ugu xoojinno cibaadadada, toosin naf iyo qalbi lehna u sameynno, una raadsanno dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah.
Bishani waa xilli aynu xoojinno Alle ka cabsiga, samafalka, is-cafis-ka iyo isu damqashada dhexeeenna ah; waa wakhti aynu sare ugu qaadno qiyamka walaaltinimo, wadajirka iyo isku duubnida bulshadeenna.

Shacabkayga sharafta leh,

Waxa aan idinku boorrinayaa in aynu bishan barakaysan ku muujinno isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah; in aynu garab istaagno dadka danyarta ah, qoysaska nugul, iyo muwaadiniinta ay saameeyeen duruufaha nololeed, gaar ahaan abaaruhu. Taageeridda iyo taakuleynta walaalaheen waa waajib diini ah iyo mid qaranba ah.

Ramadaan waa bil aynu ku adkeynno midnimadeenna, ku xoojino nabaddeenna, kuna kobcinno akhlaaqda iyo qiyamka suubban ee diinteennu ina farayso. Waa fursad aynu ku dhisno bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar’, barwaaqo iyo wada-noolaansho.

Ugu dambayn, waxa aan Alle SWT ka baryayaa in uu innaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah; kana yeelo bishan mid nabad, barako iyo bash-bash ku waabariisata dalkeenna iyo dadkeenna.

Soon wanaagsan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this