Deeq A. Posted yesterday at 10:19 AM Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta xerada Xalane ku qaabilay oo si wada jir ah ula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ugu yimid. Kulanka wuxuu u muuqday in uu ahaa salaan keliya oo aan wax siyaasad ah looga hadlin, sida ay muujinayaan qoraallo isku mid ah oo ka soo baxay madaxtooyada labada maamul ee Puntland iyo Jubaland. “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qaabilay oo kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaah Farmaajo oo booqasho ugu yimi” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ka baxay Puntland. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay Muqdisho u tageen ka qaybgalka shirkii wadahadallada ee madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo aan weli qabsoomin. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites