Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay howlgal lagu qabtay qori laga soo dhacay Garaad Jaamac iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000134730-1440x1193.jpg

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka hadlay howlgal xalay ka dhacy magaalada Garowe oo lagu qabtay rag Laascaanood ka soo dhacay qori Dhishiike ah oo uu lahaa Garaad Jaamac Garaad Cali.

Howlgalka wuxuu sababay dhaawaca saddex qof oo rayid ah oo ay haleeshay rasaas ay is waadaarsadeen ciidamada Booliiska iyo qaar ka mid ah ragga qoriga soo dhacay.

Waxaa howlgalka lagu qabtay qorigii iyo saddex ka mid ah ragii soo dhacay & hubkoodii, waxaana baxsaday labo nin, sida uu maanta shir jaraa’id ku sheegay Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal korneyl Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).

Taliye Fardafuul wuxuu xusay in raggan ay doonayeen in ay qoriga ka iibsadaan gudaha magaalada Garowe, xogtoodana ay Laascaanood ka soo siiyeen ehelada dhibanayaasha la soo dhacay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this