Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ka hadlay kulankii Deni iyo Madoobe, baaqna u diray Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
1000134773-1440x1098.jpg

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu maanta la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan.

1000134731-1440x960.jpg

Wuxuu ku booriyay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe imaanshaha Muqdisho iyo doonistooda ku aaddan in xal loo dhan yahay laga gaaro khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in uu la yimaado tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin karo firaaq dastuuri ah.

Ugu danbayn, wuxuu ku baaqay in xaaladaha siyaasadeed ee cakiran aysan naqon mid mas’uuliyiinta ka mashquulisa gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saamaysay abaarta daba-dheeraatay, lana muujiyo tallaabooyin cad-cad oo wax-ku-ool ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaalaysan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this