Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo sheegtay in ay qabatay warshad qaraxyada lagu sameeyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000135069.jpg

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay warshadii miinada ee Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe.

Qoraal ka soo baxay Jubaland ayaa lagu yiri “ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida Jubaland iyo ciidamada daraawiishta Jubaland ayaa gacanta ku dhigay warshadii miinada ee argagixisada Al-shabaab ay ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan Lagta Hola-wajeer & agagaarkeeda”.

Jubbaland waxay sheegtay in ay hal meel oo keliya laga soo qabtay 90 xabo oo miino ah iyo warshadii lagu samaynayay, kuwwaas ay xustay in loo qorsheeyey in shacabka lagu waxyeeleeyo.

Sidoo kale Jubaland waxay tilmaantay in magaalada Raaskaambooni la keenay maydadka ku dhawaad 50 ka mida kooxda Al-shabaab oo aagas lagu laayay.

Degmada Badhaadhe iyo deegaanno hoostaga waxaa muddooyinkii dambe ka socday dagaallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadeen ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab ee xoogga dalka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this