Sign in to follow this  
Deeq A.

Biyo la’aan daran oo ka jirta deegaanka Xasbahalle ee gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
1000134892.jpg

Biyo la’aan xoog leh ayaa laga soo sheegayaa degaanno ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kaddib markii ay jabeen ceelashii dadka iyo duunyadu ka cabi jireen.

Goobaha ay biyo la’aantu ka taagan tahay waxaa ka mid ah deegaanka Xasbahalle oo ay fariisteen ceelashii riiga ee laga cabi jiray, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankaas Siciid Saleebaan Mire.

Guddoomiyaha deegaankaas wuxuu xusay in dadka magaalada gudaheeda ku nool iyo kuwa miyigaba ay hadda wajahayaan biyo la’aan daran, aysana lahayn awood ay biyo ka fog ku raadsan karaan. Wuxuu sheegay in ay biyo ugu sokeeyaan deegaano ka tirsan degmada Garowe.

Mas’uuliyiinta degmada Eyl waxay sheegayaan in ay qaylo dhaan fara badan u gudbiyeen maamulka iyo hay’adaha samafalka, laakiin waxay tilmaameen in uusan jirin wax gurmad ah oo soo gaaray meelaha degmada ka tirsan ee ay dhibaatada biya la’aaneed ka taagan tahay.

Inkastoo ay biyo la’aantu meelo badani oo Puntland ah ka jirto haddana xaaladda deegaanka Xasbahalle waa mid ka duwan meelaha kale.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this