Deeq A. Posted 11 hours ago Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiirkii qorshaynta Daa’uud Bisinle, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Garowe. Shaqo joojinta wasiir Daa’uud Bisle waxaa la sheegay in ay la xiriiro amar diido, waxayna arrintan ku soo aaday xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sagan yahay magaalada Muqdisho. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa todobaadyo ka hor wasiir Daa’uud ku abaalmariyay shaqo wanaag, iyada oo labada mas’uul ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool. Sanadkii 2022 waxaa Puntland ka dhacday dhacdo khilaaf abuurtay, kaddib madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Axmed Karaash uu sameeyey shaqo joojin, magacaabis iyo xilka qaadis, xilli madaxweyne Deni uu ku sugnaa Muqdisho. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites