Sign in to follow this  
Deeq A.

Doon ku degtay Bada dalka Liibiya Oo Ay Ku dhinteen ku dhawaad 60 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Doon cinjir ka sameysan oo siday 55 rakaab ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku qallibantay xeebta Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa Isniintii ku dhawaaqday in doonta ay siday muhaajiriin iyo qaxooti ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah, iyadoo la soo badbaadiyay keliya laba haween ah oo u dhashay dalka Nigeria.

Doonta ayaa degtay ka dib markii ay biyaha ku socotay qiyaastii lix saacadood iyadoo ka soo baxday magaalada xeebta ku taal ee al-Zawiya ee waqooyi-galbeed Liibiya.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay, in sanadkan 2026 keliya, ku dhawaad ​​500 oo muhaajiriin ah la soo sheegay inay dhinteen ama la la’yahay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Badda Mediterranean-ka iyagoo ka soo tallaabaya dalka Liibiya.

Liibiya waxay noqotay goob muhiim u ah muhaajiriinta ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, ee doonaya inay gaaraan Yurub tan iyo markii la dilay hoggaamiyihii muddada dheer xukunka hayay, Muammar Gaddafi sanadkii 2011-kii.

Mid ka mid ah labada haween ee badbaaday ayaa waxay sheegtay in ninkeedu kamid ahaa dadka dhintay, halka tan kalena ay sheegtay in labadeeda carruur ah ay dhinteen, sida laga so xigtay hay’addu.

Kooxaha IOM waxay labada dumar ah siiyeen daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Iyadoo la soo weriyo masiibooyin soo noqnoqda, haddana muhaajiriintu waxay sii wadaan inay isku dayaan inay ka gudbaan badda.

Horaantii sanadkan, hay’adaha amniga ee Liibiya ayaa sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah oo ku xirnaa meel ay ku tilmaameen xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur bari dalkaas, ka dib markii lagu hayay xaalado bini-aadanimada ka baxsan, sida ay labo ilo-wareed oo dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda Reuters.

Source Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this