Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dawladda iyo shacabka Bakistaan ka dib Qarax Dalkaas ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka iyo Dawladda Bakistaan kaddib qarax ka dhacay agagaarka Masaajidka Imam Bargah ee ku yaalla degaanka Tarlai, Shehzad Town, duleedka caasimadda Islamabad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Bakistaan.

Qaraxaasi ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 31 qof, halka ay ku dhaawacmeen 169 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah, waxayna Dawladda Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadan naxdinta leh, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u canbaaraysay dhammaan falalka rabshadaha watay ee lagu bartilmaameedsado rayidka iyo goobaha cibaadada, kuwaas oo lid ku ah qiyamka bini’aadantinimo, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka.

“Soomaaliya waxay, mar kale, adkaynaysaa garab-istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Dawladda iyo Shacabka Bakistaan, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo isdhexgalka bulshada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soosaartay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caddeysay inay si buuxda ula wadaagayso Bakistaan murugada ka dhalatay masiibadan, isla markaasna ay mar walba taageero u muujinayso dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada iyo falalka argagixisada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this