Sign in to follow this  
Deeq A.

JENERAAL IBRAAHIN: HOGGAANKA CUSUB IYO WEJIGA CASRIGA AH EE CXDS

Recommended Posts

Deeq A.   

WQ: Aw Dacar

Qore iyo Saxafi

Hordhac Kooban

Magaalada Muqdisho waxay markhaati ka tahay isbeddel weyn oo dhinaca jihada difaaca dalka ah, iyada oo Golaha Wasiirrada ay si wadajir ah u ansixiyeen magacaabista Jeneraal Ibraahin Maxamed Maxamuud inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tallaabadan oo timid xilli dalku ku jiro xaalad kalaguur ah oo dhinaca amniga ah, ayaa calaamad u ah bilowga waa cusub oo lagu kalsoonaanayo hoggaan dhallinyaro ah, balse xanbaarsan khibrad aqooneed iyo mid ciidan oo qotadheer. Isbeddelkan ayaa dhacaya iyadoo ciidanka dalku uu ku jiro guluf weyn oo dalka looga sifaynayo kooxaha nabaddiidka ah, taas oo ka dhigaysa magacaabista Jeneraalka mid fure u ah mustaqbalka amniga Qaranka.

Hoggaamiyaha cusub ma ahan oo kaliya sarkaal furimaha dagaalka soo maray, balse waa shaqayaqaan (technocrat) milatari oo isku darsaday aqoon casri ah iyo fahan xeeldheer oo ku aaddan maamulka difaaca. Jeneraal Ibraahin oo haysta shahaadooyin Master ah oo dhinaca amniga iyo maammulka ayaa waxaa laga filayaa inuu keeno aragti cusub oo ku dhisan qorshayn istaraatiiji ah iyo casriyaynta saadka ciidanka. Xilalkii kaladuwanaa ee uu ka soo qabtay hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya (CXDS) iyo xarunta Ciidamada Rigliga Bariga Afrika (EASF), waxay markhaati ka yihiin inuu yahay sarkaal yaqaana sidii la isugu dubbaridi lahaa xoogagga dalka iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah.

Xilliga uu xilka la wareegayo Jeneraal Ibraahin waa ammin ay indhaha caalamka iyo kuwa shacabka Soomaaliyeedba ku soo jeedaan furimaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Iyadoo ciidanka laga dareemayo abaabulkii ugu xoogganaa ee lagu xoraynayo magaalooyin istaraatiiji ah sida Maxaas iyo Moqokori, ayaa waxaa taliyaha cusub horyaalla imtixaankii ugu horreeyay ee hoggaamintiisa. Haddaba, warbixintan waxay si qotadheer u falanqaynaysaa qofka uu yahay Jeneraalkan aqoonyahanka ah, qorshaha dawladdu ka leedahay dib-u-habaynta ciidanka, iyo sida magacaabistiisu ay u xoojinayso gulufka dib-u-xoraynta dalka ee hadda socda.

Waa Kuma Taliyaha Cusub?

Jeneraal Ibraahin Maxamed Maxamuud ma ahan magac ku cusub taliska ciidanka, balse waa sarkaal ku soo dhex koray nidaamka iyo taliska ciidanka oo leh khibrad aqooneed oo heerar kaladuwan leh. Jeneraalku waxa uu dhashay 1dii bishii Febraayo, sannadkii 1989kii, isagoo ku dhashay magaalada Muqdisho. Waa mas’uul dhallinyaro ah balse leh waaya-aragnimo ku dhow 18 sano oo adeeg ciidan ah. Waxa uu si heer sare ah ugu hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, iyo Turkiga, isagoo, sidoo kale, aqoon fiican u leh luuqadda Carabiga. Tani waxay siinaysaa awood uu si toos ah ula macaamilo saaxiibbada caalamiga ah.

Hoggaamiyaha cusub ee CXDS waa mid kamid ah saraakiisha ugu aqoonta sarreeya ciidanka maanta, isagoo isku darsaday aqoonta xeeladaha dagaalka iyo midda maamulka dawladnimada:

  • Aqoonta Ciidanka: Wuxuu Master degree ka qaatay Cilmiga Amniga iyo Staff College, isagoo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019-2020). Waxa kale oo uu soo qaatay koorsooyin heerar kaladuwan leh, sida Combat Infantry Officer (2007), Company Commander (2011), iyo Battalion Commander (2016).

  • Aqoonta Madaniga: Waxa uu haystaa shahaadada mastarka ee Cilmiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah (Turkey) iyo shahaadada kowaad (Bachelor) ee Maamulka Dadweynaha oo uu ka qaatay Jaamacadda Muqdisho (2009).

Dariiqa uu u soo maray hoggaanka sare waa mid muujinaysa kalsoonida lagu qabi karo kartidiisa. Jeneraalka ayaa soo maray jagooyin kaladuwan, midaas oo ka marag kacaysa khibraddiisa ciidan ee kala heerarka ah:

  • Taliyaha Taliska Taakulaynta (2024–2026): Wuxuu ahaa maskaxda ka danbaysay qorshaynta saadka (Logistics), isagoo maamulayay cuntada, shidaalka, iyo rasaasta ciidanka, islamarkaana xiriir dhow la lahaa UNSOS iyo saaxiibada caalamiga.

  • Khibradda Heer Gobol (2022–2024): Wuxuu ka soo shaqeeyay xarunta Ciidanka Rigliga Bariga Afrika (EASF) ee Nairobi, isagoo ahaa Madaxa Qorshaynta.

  • Taliska Guud: Wuxuu ahaa Madaxa Kabinetka ee xafiiska Taliyaha CXDS, Madaxa Maaliyadda iyo Maamulka (Chief J8), iyo Ku-xigeenka Madaxa Hoggaanka Ciidanka (Deputy J1).

  • Madaxtooyada: Wuxuu ahaa sarkaalka Qorshaynta iyo Iskudubbaridka Amniga ee xafiiska Madaxa Shaqaalaha ee Madaxtooyada Soomaaliya (2017-2018).

Qorshaha Dawladda Iyo Dib-u-habaynta CXDS

Magacaabista Jeneraal Ibraahin ma ahan oo kaliya isbeddel shakhsi oo ka dhex dhacay hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka, balse waa isbeddel “aragti” oo qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda Federaalka ah. Dawladdu waxay hiigsanaysaa inay dhisidda ciidanka ka dhigto mid ku dhisan aqoon iyo nidaam casri ah, si looga gudbo caqabadihii hore u ragaadiyay cududda difaaca qaranka. Jeneraal Ibraahi, oo nah sarkaal bartay cilmiga amniga iyo istaraatiijiyadda, ayaa loo arkaa inuu yahay ninka ugu habboon ee fulin kara hiigsigaas fog.

Tiirka kowaad ee dib-u-habaynta dawladdu wuxuu salka ku hayaa hufnaanta maaliyadda iyo daryeelka askarta. Maadaama uu Jeneraalku hore u soo qabtay xilka maaliyadda iyo maamulka ee Taliska Guud, waxa uu aqoon durugsan u leeyahay daldaloolada maamul ee u baahan in la awdo. Dawladdu waxay rabtaa inay xoojiso nidaamka mushaharka askarta, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo u dhimanaya dalka uu xuquuqdiisa ku helo si hufan, waqtiyaysan, islamarkaana aan la dhex-gali karin.

Dagaalka lagu ciribtirayo “askarta aan jirin” ama kuwa loo yaqaan “ghost soldiers” waa mudnaanta koowaad ee dib-u-habaynta ciidanka. Jeneraal Ibraahin waxaa loo igmaday inuu dhammaystiro diiwaangelinta casriga ah ee dhaayacabbirka (biometric), taas oo meesha ka saaraysa musuqmaasuqa iyo ku takri-falka dhaqaalaha ciidanka. Marka la ogaado tirada rasmiga ah ee ciidanka, dhaqaalaha la badbaadiyay waxaa loo weecin doonaa qalabaynta askariga dhabta ah ee furinta ku jira, taas oo kordhinaysa cududda dhabta ah ee CXDS.

Qorshahan cusub wuxuu hubinayaa in askarigu haysto rasaas, raashin, iyo shidaal ku filan xilli kasta, isagoo aan ka welwelin gurmadka ka danbeeya. Jeneraalka cusub wuxuu hiigsanayaa inuu abuuro nidaam ay isku xiran yihiin xarumaha saadka iyo jiidaha hore ee dagaalka, taas oo dammaanadqaadaysa in cutub kasta oo ciidan ah ay helaan agabka ay u baahan yihiin kahor inta aysan rasaastu ka dhammaan. Tani waxay askariga siinaysaa kalsooni uu ku haysan karo deegaanka uu xoreeyay isagoo aan ka baqayn go’doomin.

Dib-u-habaynta ciidanka ee hoos imanaysa Jeneraal Ibraahin waxay, sidoo kale, diiradda saaraysaa qorshaynta hawlgallada iskudhafan. Maadaama uu khibrad weyn u leeyahay qorshaynta ciidamada caalamiga ah (sida EASF), waxa uu ka shaqayn doonaa sidii loo isku-dhafi lahaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka (Macawiisley). Isku-duwidda labadan cudud ee hal talis hoos imaanaya waxay sahlaysaa in hawlgallada Hiiraan iyo meelaha kale ay noqdaan kuwo leh hal hadaf iyo hal jihayn, taas oo daciifinaysa awoodda cadowga.

Sidoo kale, dawladdu waxay xoogga saaraysaa u diyaargarowga ka bixitaanka ATMIS. Maadaama ciidanka caalamiga ah ay dalka ka baxayaan, Jeneraal Ibraahin waxaa horyaalla dhisidda ciidan nidaamsan oo la wareegi kara mas’uuliyadda amniga guud. Qorshaha dib-u-hawlgalinta ciidanka qaranka wuxuu u baahan yahay hoggaamiye yaqaana farsamooyinka isku-xirka ciidanka iyo maaraynta difaaca heerka istaraatiiji ah, taas oo ah takhasuska rasmiga ah ee taliyaha cusub.

Dhinaca kale, casriyaynta ciidanka waxay qeyb ka tahay kor u qaadista tababbarka iyo anshaxa askarta. Jeneraal Ibraahin oo soo qaatay tababaro heer staff college ah, wuxuu xoogga saari doonaa in askarta la baro xeerarka dagaalka iyo sidii ay u ilaalin lahaayeen kalsoonida shacabka. Ciidan anshax leh oo helaya daryeel dhamaystiran ayaa ah laf-dhabarta guusha dagaalka lagu jiro, waana sababta ay dawladdu u dooratay sarkaal leh aragti aqooneed oo casri ah.

Dhaqdhaqaaqa hadda ka socda Matabaan ee loogu diyaargaroobayo xoraynta Maxaas iyo Moqokori waa tijaabadii ugu horraysay ee qorshaha cusub ee taliyaha. Halkaas waxaa lagu arkay ciidankii ugu badnaa oo haysta qalab dhamaystiran, taas oo muujinaysa in silsiladdii saadka ee Jeneraal Ibraahin uu dhisayay ay hadda bilaabatay. Hubinta in guutada u dhaqaaqday Maxaas aysan ka dhammaan agabka dagaalka iyo saadka waa hawsha ugu weyn ee hortaalla taliska cusub lixda bilood ee soo socota.

Magacaabista Jeneraalka waa fariin cad oo ku socota cadowga iyo saaxiibbada caalamkaba. Dawladdu waxay go’aansatay inay “muruqa” askariga ku darto “maskaxda” taliyaha, si loo helo ciidan nidaamsan, hufan, oo sahaydu u dhammaystiran tahay. Taliyaha cusub waxa uu wajahayaa hawl adag, balse sooyaalkiisa iyo qorshaha dawladdu u dhistay waxay rejagelinayaan in CXDS uu u gudbi doono weji cusub oo dhabar-jab ku ah argaggixisada, laguna xaqiijinayo nabad waarta.

Gulufka Cusub ee Dawladda

Xilli uu hoggaanka cusub xilka la wareegayo, waxaa furimaha dagaalka ka socda hawlgallo culus oo lagu tilmaamay “boorqaadiddii ugu weynayd.”

Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa marti-gelineysa ciidankii ugu badnaa sannadkan. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka (Macawiisley) ayaa loo dhammaystiray qalabkii dagaalka iyo gaadiidka.

  • Ujeedka: In la xoreeyo dhulka maqan ee gobolka, gaar ahaan Magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori.

  • Hoggaanka Furinta: Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil ay kamid yihiin Korneyl Maxamed Dhagaweyne iyo Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) ayaa ciidamada u diyaarinaya inay marka hore kooxda al-Shabaab (AS) ka sifeeyaan inta u dhaxaysa Matabaan iyo Maxaas.

Degmada Maxaas waxay ku taallaa xuduudda Hiiraan iyo Galgaduud. Waa marin halbowle u ah al-Shabaab, halkaas oo ay ka galaan degaanka Jowle (albaabka koonfurta Mudug) iyo magaalada Ceelbuur. Haddii Maxaas gacanta dawladda lagu soo celiyo, waxaa la jari doonaa xiriirka kooxda ee u dhaxeeya Hirshabelle, Galmudug, iyo gobollada koonfureed.

Dhanka kale, ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa xaqiijiyay amniga deegaanka Alanley ee hoostaga Warsheekh iyo Jabad Godane. Tallaabadan ayaa fashilisay iskudaygii kooxda AS ay ku doonayeen inay ku jaraan waddada xeebta ee xiriirisa Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.

Maxaa horyaalla Jeneraal Ibraahin?

Jeneraal Ibraahin waxa uu xilka ugu sarreeya ee Ciidanka Xoogga Dalka la wareegayaa xilli Soomaaliya ay ku jirto isgoys taariikhi ah, kaas oo u baahan hoggaan isku darsaday xeelad dagaal iyo mid maamul. Imtixaanka ugu horreeya ee horyaalla waa guul ka gaarista hawlgalka ballaaran ee dib-u-xoraynta degmada Maxaas iyo deegaannada ku xeeran, taas oo hadda ah xudunta abaabulka ciidan ee gobollada dhexe. Maxaas ma ahan oo kaliya bartilmaameed ciidan, balse waa dhibicda lagu qiyaasi doono kartida taliyaha cusub ee dhanka hoggaaminta jiidda hore iyo sida uu u maareeyo iskuxirka ciidanka dawladda iyo xoogagga difaaca shacabka ee Macawiisleyda, si loo soo afjaro dhibaatada kooxda AS ee ragaadiyay gobolka Hiiraan.

Marka laga soo tago dagaalka tooska ah, Jeneraal Ibraahin waxaa horyaalla culayska ah dhisidda kalsoonida askariga Soomaaliyeed, taas oo ah laf-dhabarta guul kasta oo milatari. Waxaa looga fadhiyaa inuu askari kasta oo ku jira furinta dareensiiyo inuu leeyahay talis aqoon ku dhisan, kaas oo mudnaanta siinaya daryeelka, agabka, iyo xuquuqda askariga. Marka uu askarigu ogaado in taliskiisu ka warqabo baahidiisa joogtada ah, waxaa kordha niyadda iyo dhiirranaanta dagaalka, taas oo ah ujeedka weyn ee laga leeyahay dib-u-habaynta lagu sameeyay hoggaanka sare si loo abuuro jawi is-aamin oo dhex mara madaxda iyo cutubyada fulinta.

Sidoo kale, sarkaalkan oo lagu tilmaamay sarkaal farsamo (technocrat), sababo la xiriira aqoontiisa baaxadda leh, waxaa mas’uuliyad weyn ka saaran tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah ee dhanka amniga. Waxaa horyaalla inuu sii xoojiyo oo uu isku dubbarido taageerada milatari ee ay bixiyaan Turkiga, Mareykanka, iyo Midowga Yurub, kuwaas oo fure u ah tababbarka, qalabaynta, iyo sirdoonka ciidanka. Khibraddiisa hore ee xiriirka ciidammada gobolka iyo aqoonta uu u leeyahay nidaamka saaxiibbada caalamka ayaa u sahli doonta inuu Soomaaliya u soo jiido taakulayn tayo leh oo ku aaddan dhisidda ciidan qaran oo awood u leh inay isku filnaadaan.

Arrinta ugu xasaasisan ee miiska u saaran taliyaha cusub waa u diyaargarowga ka bixitaanka ciidanka ATMIS iyo la-wareegidda amniga guud ee dalka. Jeneraal Ibraahin waa inuu naqshadeeyaa qorshe ciidan oo hufan kaas oo CXDS u saamaxaya inay si buuxda u hantiyaan goobaha laga baxayo iyadoo aanay dhicin firaaq amni. Tani waxay u baahan tahay dhisidda ciidan nidaamsan oo u diyaarsan qarniga 21-aad, kuwaas oo leh agab casri ah iyo nidaam talis oo midaysan, si loogu kalsoonaado in cududda qaranku ay keligeed xaqiijin karto xasiloonida dalka kadib marka ay baxaan ciidammada shisheeye.

Ugu danbayntii, magacaabista Jeneraal Ibraahin waxay qeyb ka tahay qorshe ka ballaaran isbeddel shakhsi, waana dib-u-hawlgalin lagu samaynayo nidaamka difaaca dalka. Maadaama uu yahay sarkaal yaqaana halka ay ka dhiman yihiin saadka iyo maamulka, waxaa looga fadhiyaa inuu meesha ka saaro musuqmaasuqa iyo askarta aan jirin, isagoo xoogga saaraya tayaynta askariga dhabta ah. Haddii uu ku guulaysto inuu iskudabbaro guulaha furimaha dagaalka iyo dib-u-habaynta gudaha, hoggaankiisu wuxuu noqon doonaa dhaxalkii lagu soo afjari lahaa argaggixisada, laguna yagleeli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo leh haybad iyo cudud lagu faano.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this