Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Ilyaas Badal oo hadlay, kaddib muddo sanad ka badan oo ku xirnaa Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130551.jpg

Waxaa maanta markii ugu horreysay warbaahinta ka soo muuqday senator Ilyaas Badal Gaboose oo maalmo ka hor dib u helay xorriyadiisa, kaddib muddo sanad ka badan oo ku xirnaa magaalada Kismaayo.

Senator Ilyaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay heshiis hor dhac ah gaareen isaga madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay is-afgarad ka gaareen qadiyadii ay isku hayeen.

Wuxuu sheegay in uu hadda safar caafimaad ugu baxayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, muddo gaaban kaddibna la dhameystiri doono wada-hadallada iyo heshiiska lagu soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Madoobe.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wakhtigan ay shacabka reer Jubaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo iyo wadajir, isaga oo xusay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay lagama maarmaan tahay in ay isku tanaasulaan, una midoobaan gurmadka abaaraha iyo qadiyadaha waaweyn ee horyaalla dalka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa maalmo ka hor hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “senator Ilyaas Badal Gaboose waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland”.

Senator Ilyaas Badal Gaboose wuxuu Nofeembar 2024 sheegtay in loo doortay madaxweynaha Jubaland, xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu xabsi guri ku ahaa magaalada Kismaayo.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this