Sign in to follow this  
Deeq A.

Farxiya Fiska: “Mubaarak Oktoobar wuxuu rabay in uu nafta iga qaado”

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130167-1440x1440.jpg

Fanaanada caanka ah ee Farxiya Axmed Cadaawe Geedi oo loo garan ogyahay Farxiya Fiska oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in uu jir dil u geystay seygeeda Mubaarak Axmed Yuusuf (Oktoobar).

Farxiya Fiska oo waraysi gaar ah siisay wariye Sagal Mustafe Xaaji waxay sheegtay in qol lagu xiray muddo afar saacadood ah, islamarkaana loo geystay jir dil ay ku tilmaantay in uu ahaa mid la doonayay in nafta lagu dhaafiyo.

“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan-waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayow ma leh, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay in uu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa” ayaa Farxiya Fiska tiri.

Waxay xustay in seygeeda Mubaarak Oktoobar la soo xiray, balse damaanad lagu soo daayay, islamarkaana ay la tiigsatay maxkamad oo kiiskoodu socdo, iyadana hadda xaaladeedu wanaagsan tahay.

Farxiya Fiska oo xarunteedu tahay magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska, ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa la hadal hayay jir dilka loogu gaystay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this