Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay diyaaradaha F-16

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130207-1440x960.jpg

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay la timid diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo shalay lagu arkay hawada magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Soomaaliya ay yeelatay diyaaradaha F16, kuwaas oo uu sheegay in ay ku howlgali doonaan ciidanka xoogga dalka.

Diyaaradan oo labo ah waxaa dowladda Soomaaliya siisay dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah, waxayna tani imaanaysa xilli ay Soomaaliya la hayn ciidamo dhanka cirka ah oo si buuxda u howlgala.

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 waxaa qaaradda Afrika hore uga lahaa dalalka Masar iyo Marooko, dalka saddexaadna waxaa hadda noqonaya Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this