Deeq A. Posted 17 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ee ka tirsan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa haatan ka baxaya Soomaaliya kaddib muddo 19 sano ah oo ay dalka ku sugnaayeen. Taliyaha Ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in howl-galkii ay ka wadeen Soomaaliya uu gebo-gebo marayo, isla markaana la diyaarinayo qorshaha bixitaanka ciidamada. “Kadib 19 sano oo aan joogay Soomaaliya, doonaynaa inaan dalkaas si buuxda uga baxno dhowaan,” ayuu yiri Jeneraal Muhoozi Kainerugaba. Hadalkan ayaa imanaya xilli howl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale, kuwaas oo saameyn ku yeeshay hawlaha la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Tirada askarta Uganda ee weli ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo askari. Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dowladda, sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo goobo kale oo muhiim ah. Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay kacdoonka Islaamiga ah ee rabshadaha wata, inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida lagu qasbay inay difaac galaan sannadihii 2022 iyo 2023, kaddib hawl-gallo ay wadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika. The post Uganda oo ku dhawaaqday go’aan ay Soomaaliya uga saareyso… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites