Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maraakiibta jariifka ee ku sugan xeebaha Puntland oo eryay ilaaladii Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124901.jpgMid ka mid ah maraakiibta jariifka

Ilaaladii Soomaalida ahayd ee saarnayd maraakiibta jariifka ah ee ku sugan xeebaha Puntland ayaa dhammaan shaqadii laga cayriyay, waxayna lagu baddelay kuwo ajaaniib ah, sida ay ogaatay Puntland Post.

Ku dhawaad boqol ka mid ah ilaalada la eryay oo qaadan jiray lacag u dhexeysa $500 ilaa $700 ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray degmooyinka xeebaha Puntland, kuwaas oo hadda wajahaya shaqo la’aan.

Sababta shaqada looga cayriyay ilaalada Soomaalida waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ku lug lahaanashaha iyo fududeynta weerarada ka dhanka ah maraakiibta jariifka ee muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland.

Koox hubaysan ayaa 31 bishii Diseembar 2025 ku qabsaday xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar markab kuwa jariifka ah oo lagu magacaabo LDY578, kuwaas hadda dalbaday lacag madax furasho ah. Markabkan waxaa sidaan oo kale 2024 qabsaday koox kale oo markii dambe ka qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa labo milyan oo doolar.

Puntland waa maamul bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii. Xogta maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan hanti-dhowrka waxaa ka mid ah tirada shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan.

Way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga, waxaana jira tuhun weyn oo ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this